9 Sano Kadib Oo XOG Laga Helay DILKII C/qaadir Yaxye (Buuga Fasul Cabdalla).

0

Bishii July sanadkii 2005 waxaa gurigiisa oo ku yaal magaalada Muqdisho lagu diley allaha u naxariistee C/qaadir Yaxye madaxii hay,adda CRD oo ahaa xubin aad ugu dhaq dhaqaaqi jirey arimaha nabadda iyo xoojinta kaalinta bulshada rayidka ah.

Dilkaas dhagarta ah ayaa waxaa fuliyey koox hubeysan oo xilli habeynimo ah ugu dhacdey gurigiisa, isla markaasna qaatay dahab iyo hanti kale oo ay ka mid ahaa Coputerkiisii shaqsiga ahaa.

Inkasta oo ay jireen shakiyo waaweyn oo ku aadana in ay dilkiisa ay ka danbeysey kooxo ku xirnaa al qacidada geeska afrika ( Al shabaab), hadana wax xog ah oo rasmi ah lagama hayn cidda sida dhabta dilkaas uga danbeysay iyo waliba sida loo soo abaabuley midna.

Hadaba waxaa noo suura gashey inaan helno xogtaas oo faah faahsan oo kuna qoran buug uu qorey ninkii hogaamiyaha ka ahaa kooxa al qaaciddada geeska Afrika oo asagu lagu magacaabi jirey Faadil Haaruun oo ku magac dheeraa (Fasuul Cabddalla), kaas oo ay muddo dhowr sano ka hor ah ay dileen ciidaamada dowladda Soomaaliya markii uu si qalad ah ugu dhacay koontarool ay ciidamadu ka samaysteen agagaarka Ex kontorool Afgooye.

Faadil Haaruun (Fasuul), waxaa uu sheegayaa in ay Soomaaliya ka hana qaadey sanadkii 2004kii laba garab oo uu ku xiran ururka oo uu ku magacaabey al qaacidda geeska Afrika, labadaas garab oo kala lahaa laba howlood oo ku aadan howlgallo ka socdey gobolka, mid ka mid ah labaas garab ayuu sheegay inuu hogaamin jirey Abu Dhaxla Suudaani oo u dhashay dalka Suudaan oo howshoodu ku aadanaynd sidii ayuu yiri « ay sahyuuniyadda uga sifeyen lahaayeen wadamada bariga Afrika, kuwaas oo weeraro ku ekeeyey markii danbe dalxiisayaal yuhuud ah oo joogey magaallada xeebta ah ee Mambasa».

Garabka kale oo ka goobnaa la dhinac oo is bahaystey oo ay qaar Soomaali ahayeen ayaa waxaa hogaamin jirey sida uu sheegey Sh. Mukhtaar oo uu magaciisa saxda ku sheegay Axmed Cabdi oo uu yiri waxaa uu kasoo jeedaa dhinaca waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland. Kooxdaan waxaa kale oo ku jirey shaqsiyaad uu ka tilmaamey Aaden Xaashi Cayroow oo uu yiri « waxa uu ahaa ardeyda Xasan daahir Aweys, kana mid ahaa sidoo kale dhalinyaradii al qaacidda ku garab istaagey in ay weeraro ku qaadaan askarta mareykanka sanadihii sagaashamaadka markii ay joogeen Soomaaliya.

Kooxdan danbe ee uu hogaamin jirey Axmed Cabdi Godane ayaa Fasuul Cabdalla waxa uu howshooda xiligaas ku sheegay in ay ahayd baacsadaan oo ay daba guraan xogagii Soomaalida ahaa ee gacan saarka lalahaa CIA-da Mareykanka iyo kuwo kale oo la shaqeyn jirey sirdoonka Itoobiya.

C/qaadir yaxye ayuu fasuul Cabdalla ku tilmaamey inuu ahaa ninka geed fadhiga u ah oo kala wadey howlihii lagu baacsaneyey al qaacidda geeska Afrika oo Mareykanku wadey, waxaana sida uu ku doodey uu ku ahaa howshooda khatar, taas oo keentey in la diyaar gareeyo howl si fiican looga baaran dagey oo lagu khaarajinayo, taasoo uu fulinyo garabka al qaacidda ee uu hogaamiyaha ka ahaa Axmed Godane.

Sida uu Fasuul Cabdalla ku sheegay buugiisaa uu ugu magac darey war against Islam bogiisa 46, 47iyo 48, waxaa loo howl galey sidii loo dili lahaa C/Qaadir Yaxye iyadoo iskaashi lala sameeyey wardiyihiisa gaarka qaarkood, waxaana si tafatiran loo helay dhaq dhaqaaqiisa, habka nolashiisa, sida ay u shaqeyaan waardiyihiisa gaarka ah oo ka koobnaa sida uu sheegey shan qofood iyo dhamaan waxa ku xeeran nolashiisa guriga iyo xitaa qolka uu seexdo.

Your ads will be inserted lease go to the plugin admin page toPaste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wuxuu sheegey markii la dhameystirey qaabkii howl galka u dhici lahaa in laysku aadiyey xiligii uu waardiyaha hayey ninkii ka tirsanaa waardiyaha gaarka ah ee C/qaadir yaxye ee iyaga la shaqeynayey, waxayna soo kaxeysteen laba gari iyagoo xilli mugdi ah galey guriga oo uu saaxiibkoodii la shaqeynayeyna shaqada ku jiro , waardiyihii kalena ay jiifaan.

Fasuul waxaa uu sheegey in markii guriga loo daatay sidii balantu ahayd ay barxada guriga ugu tageen saaxiibkoodii la shaqeynayey oo barxadda guriga jooga, islamarkaasna si aan asaga hadhoow looga shakin ay xogaa garaaceen, si khafiif ah oo ayna saaxiibadiisii kale ku xireen kuwaasoo uu sheegey in ay jiifeen xiligaas.

« sababo qabiil, ayaan u ilaalinay saaxiibkeenii waardiyaha C/qaadir yaxye ka tirsanaa ee nala shaqeynayey, si inta la fahmo hadhoow aan looga aargoosan, sidaas ayaa asaga loo yara gar garaacey si khafiif ah, islamarkaasna loo xir xirey, isaga iyo saaxibadiisi kale ee waardiyaha ahaa oo iyagu jiifey, sidoo kalena manaan rabin inaan layno waardiyaha kale, waa layska dhaafey» ayuu ku yiri buugiisa Fasuul Cabdalla.

Markii ay dhamaatay howsha u dhicidda guriga ayuu sheegey fasuul in kooxdii weerarka qaadey oo ka koobneyd toban qof ay isu qaybiyeen sadex kooxood, sadex ka mid ah waxay ilaalinayeen dhalinyaradii waardiyaha ee ay xir xireen, sadex kale waxay fureen ganjeelkii guriga oo banaanka ay waardiye ka qabteen si ay isaga ilaaliyaan weerar kor kaga yimaada iyo in diyaariyaan habkii si nabad ah loogu bixi lahaa marka howl galku dhamaado, ugu danbeyntii afartii hartey ayaa aadey dabaqa labaad ee guriga oo uu ku yaaley qolka jiifka C/qaadir yaxye oo markaas ay hurdeen isaga iyo xaaskiisa Xaawo Kirish

Markii ay u galeen ayuu sheegey in ay la hadleen oo waydiiyeen Computerkiisii shaqsiga ahaa, isagoo u tilmaamey meeshuu yaaley, ka dibana waxay u kaxeyeen banaanka qolka, iyagoo ku amrey xaaskiisa in ayna is dhaq dhaqaajin oo ay sariirteeda soo dhaafin, ka diba waxay geeyeen meel dhowr mitir u jirta qolkii uu jiifey halkaas ayeyna ku toogteen, iyagoo si nabad ah uga baxay guriga dabadeedna ku laabtey halkii ay kasoo duuleen markii hore.

Fasuul ma aanu sheegin magacyada ragii howshaas fuliyey iyo magaca ninka waardiyaha C/qaadir yaxye ka tirsanaa ee iyaga la shaqeynayey midna.

C/qaadir Yaxye oo ahaa Sarkaal beeraha soo bartay isla markaana Safaaradii Mareykanka Soomaaliya ka soo shaqeeyay marna Turjuman u soo noqday Cali Mahdi Maxamed markii Madaxweynaha loo soo doortay waxaa la aaminsanaa inuu ku xirna Sirdoonka Mareykanka, laakiin dadkii isaga kala shaqeynayay CRD ayaa arrintaas beeniyay in kastoo tuhunka ku xirnaanshaha Sirdoonka reer galbeedka uu ahaa mid aad u xoog badanaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com