Yaab+Daawo: Kooxda Daacish (ISIS) Oo Qabrigii Nabi Yoonis CS Burburinaya.

0

Muqdisho, AGGM:Muuqaalka Qabrigii Nabi Yuunis (CS), ee magaalada Mosel dalka Ciraaq Ku yaalay, oo kooxda Dacish (ISIS), burburiyeen, ka dib markii ay amar dhawaan ku bixiyeen, in dhulka lala simo dhamaan, qabuurihii Anbiyada ee dalkaas ku yaalay iyo xadrooyinkii culimada qaadiriyada iyo Shiicada.

Qabriga Nabi Yuunis (CS) ayaa kooxdaasi ka saartay Maydkii Nabigaas ka dibna cagafyo inta lagu dumiyay ka dibna ay qarxiyeen, arrintaas oo muran iyo argagax badan ka abuurtay dalkaas gudihiisa iyo caalamka kale intaba.

Nabi Yuunis oo ahaa nabigii Xuudku liqay, ayaa Rabi u soo diray dadkii ku dhaqnaan jiray gobolka Ninawa ee dalka Ciraaq, kaas oo magaalada Mosel ay xarun ama magaalo madax u tahay, waxaana Nabi Yuunis (CS) wada Rumaysan Muslimiinta, Kiristaanka iyo Yuhuuda oo intuba u aaminsan Nabi Alle Soo Diray.

Culimada waaweyn ee Diinta Islaamka ayaa si wada jir ah, Shiico iyo Suniba u Canbaareeyay, waxa kale oo iyaguna canbaareeyay hogaamiyayaasha diimaha Yuhuuda iyo Kiristaanka, oo dhamaantood ku baaqay in talaabo laga qaado kooxda Dacish.

Waxa kale oo culimada Islaamka iyo hogaamiyayaasha diimaha kale ee Yuhuuda iyo Kiristaanku ay ku baaqeen in dalka Ciraaq, Qaramada midoobay u dirto ciidamo ilaaliya qabuuraha Nabiyada ee ku yaala dalkaas.

Dalka Ciraaq waxa ku yaala xabaalaha ugu tirada badan ee Anbiyada iyo Rusushii Alle soo diray, sida Nabi Aadam, Nuux, Yoonis, Haaruun, Shucayb, Idiris iyo anbiyo tiro badan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com