Top News: Ekai Maruk “Gacanta Ayaan Ku Dhignay Ninki Qarax Mandheera Fuliyay, Waxaana Soo Abaabulay Maleeshiyo Ku Sugan Balad Xaawo”.

0

Nairobi, AGGM:Ciidamada booliiska magaalada Mandera ee gobalka Waqooyi Bari Kenya ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen Ninkii ka dambeeyay Qarax dhawaan Magaaladaasi ka dhacay oo wax qasaara ah sababin.

Taliyaha ciidamada Booliska Ekai Maruk ayaa sheegay in laamaha ammaanka magaaladaasi ay ku guuleysteen soo qabashada Ninkii fuliyay Qarax,Mandheera ka dhacay, isagoo sheegay Taliyaha in weerarka ay soo abaabuleen maleeshiyaad ku sugan magaalada Buulo-xaawo ee xadka la wadagto Magaalada Mandheera ee gobalka waqooyi bari Kenya.

Degaano dhaca gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhaca Weeraro u badan Qaraxyo oo inta badan ay Mas’uuliyadooda dhabarka u ritaan Dagaal yahanno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Dalka Kenya ayaa marti qaaday Weeraro, isugu jira Qaraxyo iyo Dilal abaabulan tan iyo markii Ciidamada Militariga Kenya ay soo galeen dalka Soomaaliya Sanadkii 2011 si ay uga hortagaan Weerarada Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com