Maqaal: Jah Wareerka Villa Soomaaliya Iyo Jaho La’aanta Ammniga Muqdisho.W/Q.Cabdinuur Faarax Maxamud

0

Sallaamullahi calleykum Walaalaha Soomaaliyeed Ramadaan kariim Dhammaatiin Meel kastoo aad ku sugantihiin iyo xaalkastoo aad ku sugan tihiin..

Waxaa la weereray toddobaadkaan Madaxtooyadda Soomaaliya waxaa fududeeyey shaqaale ka, ag dhawaa Madaxtooyadda waxaay sheegeen inay ujeedkoodu ahaayd inay dilaan Ra,iisul wasaarahaa Soomaaliya waa sida ay hadalka u dhigeenee waxaa xilkii laga qaaday taliyayaashii nabad sugida iyo Booliska waxaa la magacaabay taliyayaal kale maxay soo kor dhin karaan?..

Waxaa kale oo shir jara ,iid qabtay Madaxwaynaha Soomaaliya MD Xasan shirkaas Jaraa,iid shacabka Soomaaliyeed waxay ku micneeyeen mid aad u jilicsanaa Madaxwaynaha ayaa yiri Dawladu waa ka kortay walax Alshabab carin karo wuxuu kale oo yiri nin cararaa ma ahii Al shabab-naa cidna ma dili karaan askarta saraakiisha iyo Xildhibaanadda maalin kastaa Muqdisho lagu laynaayo oo al shabab ay sheeganayaan miyeeysan Soomaali ahayn?

Dadka wadaniyiintaa ee siyaasadda falanqeeya waxay ku doodayaan in Madaxwaynaha laga sugayey xanaaq iyo dhiifanaan dhiiri galisaa shacabka Soomaaliyeed siiba Ciidanka Qaranka halka xataa Madaxwaynuhu uusan u Tacsiyeeyn ciidankii difaacayey Aqalka Madaxwaynaha.

Waxaa kale oo lamagacaabay wasiirka amniga Qaranka oo loo Magacaabay taliyihii hore ee nabad sugida laakiin xilka laga Xayuubiyey markii lagu soo eedeeyey inuu xilkaas gudan waayey Hasayeeshee waxaa loo dalacsiiyey heer wasiir Qaraan jaha wareerka Haysta Dawladeena Soomaaliya ayey ka mid tahay` yaa xil loo dhibaa yaase amanka Muqdisho sugaya? Waa arrinta haysata Villa Soomaliya..

Jaha wareerka ka taagan Caasimadda Soomaaliya wuxuu kalifay in la garan waayo cida amniga muqdisho sugaysa iyo cida xilka loo dhiibaayo waxaa dhagaaha shacbiga Soomaaliyeed ka dhammaan la` waxaa la weeraray xarumah muhiimka ee Dawlada Soomaaliya sida xarunta Barlamaanka xarunta Madaxtooyadda xarunta Maxkamadda sare xarunta Qaramada madobey iyo wixii lamida taasoo kaliftay in la garan wayo cida amanka Xamar sugaysa..

Dhammaan markii aad arrimahaan xooraan sato ama aad u kuurgasho waxaa kuso baxaya jaha wareerka ka taagan Caasimadda Soomaaliya inuu yahay mid aan caadi ahayn ayna Adag tahay in la so, afjaro jaha wareerka saameeyey dhan kasta..

Soomaalidu waxay ku mahmahdaa) wadaantii salka ka qaloocata Afka tuus kuma timaado) dhanka siyaasada Villa Soomaaliya ayaa ah mid ku jirtaa jaha wareer hagida hanaanka amniga lagu sugaayo 24 Maajo waxaa is casilay wasiirkii qaranka Cabdixakiim kadib markii uu xilkaas gudan wayey laakiin isla ayaamo kadib waxaa loo dalacsiiyey la taliyaha Madaxwaynaha ee dhanka amniga maxaa khaldaan?..

Dawladda Soomaaliya ee xarunteetu tahay Muqdisho waxay ku jaha wareersan tahay cidii amanka magaalada sugi lahayd hadii ay noqon lahayd wasiir ama taliyayaasha ciidanka waxaana soo noqnoqanaya fateexaad wayn oo ku wajahan dhanka amniga Muqdisho ayada oo la weereraayo xarumaha ugu muhiimsan Qaranka Soomaaliya rajo ma ka qabtaa in 2016 doorasho xora ka dhacdo Soomaaliya..

Waxaa toddobaadkaan dhacay weerar aad looga xumaaday Ceebna ku ah hogaanka sare ee Soomaaliya waayo halka weererka lagu qaaday waa Aqalkii looga talinayey Jamuuriyadda Fedralkaa ee Soomaaliya waana xarun muhiima markii aad ka eegto dhan kastaa dhanka siyaasada amniga & dibulamaasiyadaba waa ku ceeb Dawladda Soomaaliya..

Waxaa kale oo ceeb ku ah Dawladda Madaxwayne Xasaan sheikh Maxamuud sida saxaafadda loola hadlay hadii ay noqon lahayd fah fahinta laga bixiyey cidii weererkaan ka dabaysay oo lagu sheegay inuu fududeeyey nin ka tisanaa madaxtooyadda..

Waxaa kale oo lama filan noqotay in madaxwaynihii jamuuriyadda Federalkaa uu saxaafadda u Sheegay inuu yahay Geesi aan ka cararin halkii weererku ka dhacay halka uu ilaaway inuu u tacsiyeeyo ragii naftoota ku wayey difaaca Villa Soomaaliya soo kuwa kale ee hada ilaalinaya niyad jab kuma ahaan?..

Dhanka kale waxaa saxaafadda loo soo bandhigay nin ku fadhiya kursi dheer kuna labisaan funaanaad ka samaysaan calanka Soomaaliya kaas oo lagumicneyey inuu yahay ninkii ka dabeyey weerarkii maxadtooyadda ka dhacay xataa waxaa jaha wareer ka taagan yahay warbaahinta afka dawladda ku hadasha waayo shaqsi aan maxkamaad la gayn oo xukun ku dhiciin ama an la xukumin ayaa isla markiiba saxaafadda loo so bandhigay taas soo uma ekaa jaha wareer kale?..

Ugu dabayntii xalku wuxuu ku jiraa in hogaanka sare ee Soomaaliya siiba Madaxwaynaha Soomaaliya uu qaato go, aan adaag kana duwaan midkii labadii sano ee la soo dhaafay uu ku shaqaynayey go, aankaas waa inuu noqdaa daryaalka ciidanka diiwaan galinta ciidan qaran oo dhaba xulashada cida xilka loo dhiibaayo oo an lagu salayn saaxiibtinimo ee lagu saleeyo xilkasnimo & Qaran raadis waana in ugu yaraan la xaqiijiyaa amanka xarumaha muhiimkaa ee dawladda.

Dhammaad

Wixii Su, aal waydiina

Cabdinuur Faarax Maxamud
guuleed72@hotmail.com

Afeef: Qoraalkan Waa Aragtida Qoraaga Marnaba Kama Turjumayo Aragtida Warbaahinta Allgalgaduud Media, Waxii Amaan Amaba Dhaliil Ah Kala Xiriir Qoraaga, guuleed72@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com