Maqaal: Bilawgii Burburka Dowladda Xasan Sheekh. W/Q: Axmad Calasow

0

Waxaa soo muuqda calaamadihii bilawga burburka dowladadda. Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu yiri “annagu ka carari meyso Shabaab oo waa ka adag nahay..” Laakin waxaa ka hoos baxday in dadka cararaya ay yihiin kuwa dowladda garbaha u ah oo ay ku tashaneyso inay u fidiyaan gargaarka dhabta ah ee loo baahan yahay xiligaan.

Mushkiladda heysata Madaxweyne Xasan Sheikh waxay salka ku heysaa inuu adeegsanaayo dadka qabrigiisa qodaaya oo aan oggoleyn inuu qof kale la tashado ama dhegeysto firkaradaha dadku soo jeediyaan. Haddaba bilawga burburka haddii aan soo kobo waxay salka ku hayaan :

1. Waxaa jirta inuu qaato go’aanno cashwaai ah (haphazard) oon laga baaraan degin cawaqiib xumada ka imaan karta. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin inuusan isagu wax go’aan gaarin, balse loo kaeeno wixi la rabo in laga fuliyo. Waxaana tan markhaati u ah magacacaabista CUMAR CA/RASHIID.Waxaa shakhsi aan karti iyo awood midna lahayn oo lagu qiimeeyay”incompetent with no skills”.

Omar intaas waxaa u dheer inuu yahay qof qabiil u adeega dowladda hadda jirtana si aad ah uga soo horjeeda, isagoo u adeegaya Punt/JubbaLand Iyo Kenya.

2. Waddamada qaarkood safiirka aad u diraneyso waa inuu yahay qof daacad kuu ah, danaha dalkana ka hormarinaya tan tolkiisa, lehna aqoon iyo karti uu dad ku soo jiidan karo….Madaxweyne Xasan Sheikh magacaabista Cumar waxay caddeyn u tahay inaad tahay qof daciif ah oo soo dirsaday wakiil ka baafinaaya burburka dowladda ee weliba fadhiya dalka ugu weyn adduunka Amerika. Madaxda Mareynakna fikradda ay qaadan karaan meeshaas kala soo bax. Boqorki Sacuudiga Malik Fahad wuxuu u dirtay Amerika will uu adeer u yahay Bandar bin Sultaan oo meesha joogat muddo
20 ka badan..Waddamada kale sida Ruushka xilligii hatiwadaagga Safiirada ay dirtaan waxay joogi jireen muddo dheer.

Si howlaha aysan u kala go’in, waxayna ahaayeen dad kalsoni buuxda heysta oo danaha dalkooda daacadnimo ugu adeega. Waxaa ka habbooneed in loo magacaabo safiirka noo jooga Burundi.

Waa iga talo.

3. Shabaab iyo dadka ku adeegta waxay ku guuleysteen inay dalka ka buriyaan halka dowlad ee ay daacad ka tahay u kaalmeynta Somaliya waa TURKIGA…taasina waxay timiday kaddib markii safiirka ku tegay socdaal gobollada qaarkood lagana dhaadhicyay inaysan Xamar ku nabadgeleyn…waa taasoo Turkigina billaabay inuu ka baxo Xamar mashaariicdi uu wedayna ay halkaas ku hakato. Waxay ahaayeen mashaariic aad u faa’iido badan oo umaddu u riyaaqday dhinac walba, laakin waxay waayeen qaddirinti ay ka mudnaayeen dowladda. Waxay ahayd in Turkiga loola dhaqmo si gaar ah, cid kastana laga fadilo..aadna loo soo dhaweeyo. Nasiib darro waa la waayay.

4. Talyanigu waxay qabaan eray loo isticmaalo markey arrimuhu meel xun gaaraan kaasoo (COME SE NON BASTASSE) oo micanheedu yahay intaas nagu dheceysa aysan nagu filneyn oo kale, ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska nin ku caan baxay xilligii kacaanka ”RICATTATORE” oo ahaa nin baada ka qaata cid kasta oo ka tabar yar.

Waxayna tallabadaani horseedi doonta inay iyaguna qaxaan oo barakacaan tirada yar ee dalka ka billaabay maalgashiga.. Carabtaa waxay tiraahdaa XAAMIIHAA XARAMIIHAA tuugi xadaayay ayaa la yiri ilaali..waa sheekadii dhacday berigii Caydiid dhintay ayaa loo sheegay nin reer Baydhabo ah..markaasuu yiri Caydiid ma dhintay!!! haddaa aakhirana barakac ka billaabanaa!!!

Waxaa hubaal ah haddii arrimuhu sidaan ku socdaan in 2016 doorasho dhacdo iska daaye inaan la isla gaari doonin 2015. Cabdiweli uma muuqdo nin dalkaan gaarsiin kara ama u horseedi kara degganaan iyo doorashooyin inta C/Weli Gaas uu Garowe ku heysto dowlad la baratameysa tan dhexe uuna duullaan ku soo yahay Feysal Cali Waraabe. Soomaliyey dib isugu noqo ee bal fiiriya dadka ku loollamaya talada dalkaan aadka u nasiibka daran, mase waa madaxdii aanu mudneyn.(Ogni popolo ha il suo geverno). Af-Ajnabiga maqaalka ku jirana ka raalli ahaada.

W/Q: Axmad Calasow
ahmedalasso@hotmail.com

Afeef: Qoraalkan Waa Aragtida Qoraaga Marnaba Kama Turjumayo Aragtida Warbaahinta Allgalgaduud Media, Waxii Amaan Amaba Dhaliil Ah Kala Xiriir Qoraaga, ahmedalasso@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com