Dhageyso:Kulan Looga Hadlayay Doorka Haweenka Ee Xagga Nabadda Oo Lagu Qabtay Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM:Kulan looga hadlayay doowrka haweenka ay ka qaadan karaan nabad kusoo dabaalida dalka oo ay ka qeybgalaan haween ka kala socday degmooyinka gobolka Benaadir ayaa lagu qabtay degmada C/casiis ee gobolka Benaadir.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen inka badan 150 haween ah oo ka kala socday degmooyinka gobolka iyo ururrada haweenka ee ka dhasan ayaa diiradda lagu saaray doorka uga aadan haweenka ka qeyb qaadashada xagga nabadda, waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa maamulka degmada, iyadoo ay soo qaban qaabisay hay’adda wada hadalka bulshada ee CCD.

Guddoomiyaha Degmada C/casiis Cismaan Muxidiin Cali ayaa ugu baaqay haweenka inay laamaha amniga kala shaqeeyaan sugidda amniga, oo isu qeybiyaan 17-ka degmo ee gobolka, si looga hortago kooxaha amni darrada ka shaqeynaya.

Guddoomiyaha ururka haweenka ee Gobolka Benaadir Jawaahir Maxamed Baarqab ayaa sheegtay in horumarka dalka ka socda aan loo joojin doonin cabsigelinta ay sameynayaan maleeshiyada Al-Shabaab ee ay ku hayaan bulshada, waxaana ay intaa ku dartay in haweenka looga fadhiyo inay muujiyaan doorka uga aadan sugidda nabadgelyada.

Guddoomiye ku-xigeenka ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi ayaa tilmaamtay in haweenka looga fadhiyo inay noqdaan isha xogta ee ay ka heli karaan hay’adaha amniga, maadaama ay haweenku dabagal ku sameyn karaan waxyaabaha ay qabtaan carruurtooda, una gudbiyaan hay’adaha amniga dadka ay u arkaan inay qal qal gelinayaan ammaanka caasimadda.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com