Dhageyso:Ciidamada Dowladda Iyo Al Shabaab Oo Ku Dagaalamay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo.

0

Garbahaarey, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya kula dagaalameen ay la galeen falaagada Al-shabaab deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Dagaalkan uu ka dhacay Deegaanada,Reys qode iyo Tuumaalo Badan oo hoostaga Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa waxa uu yimi ka dib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Weerarka ku qaadeen deegaanadaas.

Sheekh Maxamed Xuseen Al-qaadi oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobolka Gedo oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegayn in falaagada Al Shabaab ay kala wareegeen gacan ku heynta Deegaanadaas.

Isku soo wada duuboo dagaalkan ayaa waxa uu socday in mudo ah mana ay jiraan warar sheegaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo kala gaaray labada Dhinac ee dagaalamay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com