Dhageyso:Caydiid Ilka Xanaf Oo Sheegay Inuu Jiro Gudiga Garsoorka Dalka, Aana Loo Baahnayn Jahwareerin.

0

Muqdisho, AGGM:Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa sheegay inuu jiro guddiga adeega Garsoorka dalka, iminkana aan loo baahneyn in lasoo magacaabo Guddigaasi.

Ilka Xanaf, ayaa wuxuu sheegay in Guddigaan uu jiro uuna kamid yahay isaga iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, laakiin hada aysan muuqan baahi ama sabab keeni karta in Guddigaan lasoo magacaabo.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka, ayaa sidoo kale sheegay inuusan jirin meel Dastuurka uu kaga qoran yahay in Wasiirka Cadaalada uu soo fara gashto arimaha Garsoorka ama uu soo magacabo Gudiga adeega Garsoorka dalka.

Wuxuu tilmaamay in ay kala duwan tahay shaqada saddexda hay’adood ee tiirka u ah dowladnimada, sidaas awgeedna aan loo baahneyn inay hay’ad faragashato shaqada hay’ad kale.

Soddonkii bishii la soo dhaafay ee June ayuu baaRlamaanka Soomaaliya ansixiyay hindise-sharciyeedka magacaabista Guddiga Adeegga Garsoorka, kaas oo xukuumadda u fasaxaya inay isbeddel ku sameyn karto maamulka adeegga garsoorka iyo hoggaanka maxkamadaha.

Laakiin Guddiga Adeega Garsoorka dalka, ayaa kasoo horjeestay ansixinta Sharcigaasi ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com