Top News: Cabdullaahi Guuleed Jaamac “Maleeshiyaadka Raaskambooni Qaarna Waa Ay Isaga Baxeen Kismaayo, Kuwa Harayna Go’adoon Ayay Ku Yihiin Magaalada”.

0

Kismaayo, AGGM:Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka tirsanaa Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay isaga baxeen magaalada Kismaayo halka la sheegayo kuwa ku haray magaaladaasina inay yihiin kuwo Go’adoon ku ah oo raadinaya qaabki ay uga bixi lahayeen.

Cabdullaahi Guuleed Jaamac oo ku sugan duleedka magaalada Kismaayo oo qadka Telefoonka ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu inoo sheegay in ku dhowaad 1000 ka tirsanaa maleeshiyda Raaskambooni ay isaga carareen magaalada Kismaayo ka dib markii ay ka war heleen in ciidamada Kenya waqti aan la carabaabin ay isaga baxayaan magaalada Kismaayo taas oo ku abuurtay walwal in uu dagaal ku qabsado gudaha magaalada Kismaayo.

“Walaaloow waxaan kuu sheegayaa nimankan dambiyada ay galeen ayay og yihiin, sidoo kalena waxay og yihiin inay ku joogaan magaalada Kismaayo Taangiga Kenyaatiga ee aysan ku joogin awood ay iyagu leeyihiin,haddana qaar waabaxsadeen inta ku hartay magaaladana waa dareen ku joog oo haddii ay helayaan meel ay u baxaan waan hubaa inay isaga bixi lahaayeen” waa sida uu inoo sheegay Cabdullaahi Guuleed Jaamac.

Mar aan wax ka weeydiinay Cabdullaahi Guuleed dagaal dhexmaray ciidamada Col. Bare Hiiraale iyo Maleeshiyada Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa waxa uu ka yiri “Walaahi Walaaloow ciidamada huwanta ah ee uu hogaamiyo Col. Bare Hiiraale magaalada Kismaayo dhinac walba ayay fariisimo ka sameeysteen oo ay hada dagan yihiin, maalin dhoweedna waa run in ay soo gaareen duleedka Jaamacada Magaalada Kismaayo, Rasaasta laba ciidan ay isku ridiyaneena magaalada oo dhan ayaa laga maqlayay, waxaana mar aan tagay magaalada la ii sheegay in Raaskambooniyiinta laga dilay 3 nin lagana dhaawacay 5 kale,magaalada waxaa ka jirtay baqdin teer iyo shalay oo ah in ciidamada Huwanta ah ay gudaha magaalada soo galaan, lakiin Ciidamada Huwanta ah ee uu hogaamiyo Col Bare Hiirale shalay galinki dambe ayay dib ugu laabteen fariisimahoodi”.

Sidoo kale Cabdullaahi Guuleed ayaa waxa uu inoo sheegay in xiliyada habeenki ah maleeshiyada Raaskambooniyiinta ay inta badan gaadiidkooda dagaalka ay kula hoydaan xeryaha ciidamada Kenya subaxii waaga markuu baryana kasoo dareera xeryaha Kenyatiga.

Dhinaca kale goobjoogahan sida aadka ah ugu dhuun daloola isbadalka ka socda magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyaadka Raaskambooni marki dharka, qoriga, rasaasta iyo kabaha la siiyo ay ulla baxsanayaan deegaanada ay kasoo jeedaan, sidoo kalena beel beel ay u kala dagan yihiin gudaha magaalada Kismaayo oo aysan xataa dhexdooda jirin habayaraato’e wax is aaminaad ah.

Isku soo wada duuboo sida goobjoogeyaasheen magaalada Kismaayo ay ku soo waramayaan xaalada magaalada ayaa waxa ay gashay Jawi cusub haddii ay noqon lahayd mid ciidan iyo mid siyaasadeedba, waxaana maalmahan danbe sii xoogeeysanaya kacdoonada Ciidan iyo Midka Siyaasadeed ee ka dhanka ah maleeshiyaadka raaskambooni ee uu hogaamiyo horjooge Axmed Madoobe sida goobjoogeyaasha ay sheegayaana waxaa muuqata hadda in Axmed Madoobe iyo maleeshiyada Raaskambooni waqtigooda uu yahay gabaabsi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com