Daawo:Falaagada Al-Shabaab Oo 12 Ruux Ku Dishay Weerar Ay Ka Fulisay Gobolka Xeebta ee Kenya

0

Nairobi, AGGM: Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay weerar xalay lagu qaadday deegaannada Hindi iyo Tana Delta ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.

Warar laga helay saraakiil booliis ayaa sheegayo in dabley hubeysan ay weerareen saldhigga booliiska deegaanka Gamba ee Tana Delta, halkaasoo ay ku dileen sagaal qof oo ay ku jireen askari booliis ah iyo maxaabiis.

Dableyda weerarka geysatay ayaa saldhigga ka siideysay nin lagu tuhmayo in uu ka dambeeyey weerarradii bishii hore ka dhacay deegaanka Mpeketoni.

Afhayeen u hadlay kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu-Muscab ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in ay iyaga ka dambeeyeen weerarkan.

”Dagaalyahannada weerarka fuliyey si nabadgelyo ah ayey ugu soo laabteensaldhigooda’’, ayuu yiri Muscab.

Mike Kimoko oo kamid ah saraakiisha booliiska deegaanka ayaa sheegay in dagaalyahannada ay ka faa’iideysteen mugdi iyo koronto la’aan ka jirtay saldhigga, taasoo keentay in ay khasaare badan geystaan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkan sidan oo kale ka dhacay deegaanka Mpeketoni oo 60 dad ka badan ay ku dhinteen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com