Dhageyso: Dagaal Beleed Ka Soo Cusboonaaday Gobolka Hiiraan..

0

Baladweyne, AGGM:Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaal beeleed geeystay qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu mar kale ka qarxay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa waxa uu salka ku hayaa aanooyin Qabiil iyo Dhul beereedyo la sheegay in lagu kala tartamayo.

Nabadoon Shuuriye Xuseen Xaayoow oo ka mid ah Oday Dhaqmeedka Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu Warbaahinta u Sheegay in aysan jirin cid ila iyo hadda kala dhex gashay dhinacyada ay u dhaxeeyso dirirta islamarkaana ka warbixiya qaabka uu ku biloowday dagaalkan.

Isku soo wada duuboo dagaalada u dhexeeya beelaha kama uu socdo oo kaliya gobolka Hiiraan ee balse waxa  dagaalo beeleedyo  iminka kasoo wada cusboonaadeen qaar ka mid gobolada Dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com