Daawo:Cabdisalaam Xaaji Ismaaciil Oo Kashifey Qiyaamo Qaran Oo La Xiriirta Shirkada Somali Gas Iyo Halka Mareen Lacagihii DFS Loogu Balanqaadey Shirkii London.

0

Muqdisho, AGGM:7-dii May ee Sanadii Hore waxaa Somaliya shir loogu qabtey Magaaladda London shirkaasoo ahaa mid sida la sheegey kaalmo loogu uruurinayey Soomaaliya si dalka uu dib qaranimadiisii ay ugu soo laabato.

hal bilyan oo Euro lacag ka badan baa shirkaasi lagu balan qaadey, balse nasiib daro waxaan haba yeraatee ilaa iyo iminka gacanta Dowladda soo galin lacagtaasi, sidoo kale waxaan la aqoon ilaa iyo iminka meel ay martey.

Waxaa hadda soo baxaya in shirkaas gebigiisbu ahaa shirqool cusub oo la doonayo in lagu boobo dhaqaalaha Soomaaliya, oo shidaalka uu ugu horreeyo. Waxaa arrintan ay daba socotaa shirqoolkii Kenya ay maleegtay oo ay dooneysay in qeyb ka mid ah badda Soomaaliya ay kula wareegto.

Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa sidoo kale qeyb ka ah shirqoolka.

Aqoonyahan Soomaaliyeed, oo arrintan u kuur galay, ayaa soo bandhigay shirqoolada cusub ee Soomaaliya loo diyaariyey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com