Maqaal: Xasan Waxaa laga dhaxlay Xabaalo! W/Q.Dr. Ali. A. Hirabe

0

Dr. Ali. A. Hirabe — Waxaan aad ugu xumahay in Maamulka Koonfur Galbeed loo aqoonsado G. Bay & Bakool iyo Sh/hoose iyada oo la diidayo midkii 6 Gobol ahaa oo ay Soomaalida ku mideeysneeyd, maxaa kalifay in xiligaan dowlada Federaalka aqoonsato Maamulka Shariif Xassan Sheekh Aadan ku soo dhoodhoobay Hotel Edan?

Xasan Sheekh waxaa leeys-lahaa waa waayo arag ruugcadaa ah oo dalka dhex joogay 1991 ilaa iyo xilka Madaxweeyne uu ka noqdo balse waxaa dad faro badani u arkaan in Xasan Sheekh uusan laheeyn Aqoontii iyo kaartidii lagu hogaamin lahaa Dowlad, waxaa uu qaatay Go’aano xaqiiqdii la dhahi karo dalka waxeey u horseedeen kala fogaansho iyo kalsooni daro umadeed oo la dhihi karo uma cadaalo falin Ummada Soomaaliyeed oo maxaa ka mid ah intaba ??

XASAN QABUURO

1. Xasan waxaa uu ka danbeeyay oo uu ogolaaday dhismaha Jubbla-land iyada oo ey xaaran aheyd halka Raisul wasaare Saacid uu diiday qaabdhismeedka Jubba-land una arkaayay mid aay tahay mid cadaalada ka fog lana jaan qadi karin Dastuurka Federaalka, Somalina aysan u dhameen sameeynta maamulka Jubba-land.

Faarax & Xassan ayaa qorshahaa kula heshiiyay Axmed Madoobe, waxaad moodaa waxii lagu heshiiyay oo baadilka ahaa in aanan weli la fulin balse Jubbaland noqotay mid reer kaliya aay xukumaan, Dadka kalena lagu laayo.

2. Xasan waxaa uu xilka ka qaaday Raisul Wasaare Saacid iyada oo aanan la ogeeyn sabbabta uu xilka ugu qaaday, waxaa ay aheyd go’aan qaldan oo dib u dhigay horumarkii dalka ilaa iyo maantana aanan laga soo kabsan karin sidii aay wax u socdeen, Maxaa loo bedelay Saacid? Maxaase laga dhaxlay bedelkiisii?

3. Xasan xiligaani awoodiisa ma dhaafsana goboladada dhexe iyo Muqdisho, degmo ka mid ah Puntland ama Somaliland iyo Jubba-land uma magacaabi karo gudoomiye degmo halka degmada Balcad iyo G. Hiiraan uu u magacaabay laba jeer gudoomiye ku Meelgaar ah iyada oo la og yahay in aanan laga dhaxleeyn maamul ku yimaada xalaa iyo doorasho, Xassan raali kama ah in shacabka Balcad iyo kan Hiiraan soo doortaan cida ay rabaan.

4. Xasan ma hayo dariiqii lagu gaari lahaa dowladnimo dhab ah, sabbabta oo ah waxaa xaqiiq ah in uusan kalsooni ka haysan Puntland & Somaliland iyo Jubba-land G. Mudug iyo Xibin iyo Xeeb, waxaa la dhihi karaa Xassan waa Shaqaale u shaqeeya Ajnabiga ujeedka uu u yimidna aay tahay in uu dalkaani u kala qeeybiyo dowlado qabiil ku dhisan, reerka uu ka dhashayne duudsiyay xaqoodii,dib u fiiri degmada Warshiikh iyo Cadale waa ka xor Al-shabab balse gargaar dowlada ma aayan geeyn weli dadkiina waxeey u dhimanayaan biyo laàan iyo gaajo halka G. Bakool  iyo Waajid Xasan indhahiisa ku soo arkay sida aay u nool yihiin, waxaa akhristow kugu filan G.Sh/dhexe in dowlada u balan qaaday 50.000 dollar halka Puntland aay u balan qaaday 1000.000 Dollar.

5. Xasan waxaa uu ka fogaaday cadaalada waxuuna Hawiye iyo Digil iyo Mirifle duudsiyay xaqoodii halka uu sadbuursi u ogolaaday reer Puntland iyo Jubba-land.

Waxaa la filaayaa in dowlada Xasan ka yahay Madaxweyne noqoto midii dalka kala gooyn gooyn laheeyd Jufa walbana u abuuri laheeyd dowlad Qabiil oo ka madaxbanaan dowlada federaalka, Xassan rajadii umada ka qabtay waxaa uu dhaxalsiiyay in uu duudsiyo xaqoodii.

Waxaa quman in la fuliyo Go’aamada laga qaatay Xassan sida in 61 xildhibaan ee Hawiye ka dareeraan Baarlamaanka kuwa Wasiirada ahna aysan tagin shaqada, Gobolka Banaadir waa in uu cadeeyaa meesha uu siyaasada qabiilka kaga jiro dalka Soomaaliya iyada oo la ogyahay in Muqdisho Soomaali oo dhan lagu martigeliayay ayeey hadana u socotaa mid reer uu lahaan doono.

Dr. Ali. A. Hirabe – Hirabe_a@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com