Dhageyso:Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Deegaano Hor Leh Oo Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Marka(AGGM):Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay Deegaano ay ka mid yihiin Mareer Gur iyo Darkiinleey hoos yimaada Degmada Qoryooleey Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Max’ed Axmed Cabdi Taliyaha Howlgalinta Guutada 5-aad ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Ciidamada XDS ay dagaalka Askar oga Dilen Al-shabaab,si buuxdana Deegaanadaasi ay ula wareegeen.

Taliyaha ayaa intaa Raaciyey in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay wadayaan Howlgalada lagu Xoreenayo Deegaanada Gacanta Al-shabaab ku jira ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Isku soo wada duuboo ilaa iyo hada ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan in Lagala wareegay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com