Dhageyso+Daawo: Uhuru Kenyatta “Al Shabaab Nama Soo Weerarin”.

0

Nairobi (AGGM):Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab aysan ka dambayn weerarka ka dhacay gobolka xeebta ee ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 60 ruux.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in siyaasiyin dalka kala qeybinaya ay ka dambeeyeen weerarrada noocaas ah ee lagu doonaya in lagu barakiciyo qowmiyadaha qaar ee dalkan.

Waxaa uu sheegay in baaritaan lagu ogaaday in siyaasiyinin maxali ah ay ka dambeeyeen weerarkaas.

Hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa ku gacanseyray hadalka madaxweynaha.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay qaadeen weerar labaad oo ka dhacay xeebta dalka kenya oo ay ku dhinteen 15 ruux.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Kooxo hubeysan ay dhowr tuulo weerar ku qaadeen habeenkii xalay.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in khadkii telefoonka la damiyay weerarka ka hor.

Mas’uuliyinta waxay sidoo kale sheegeen in 12 ruux oo dumar ah la afduubay, balse hay’adda Lanqeyrta Cas ayaa sheegtay in dadka la la’yahay ay gaarayaan 50 ruux.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kaddib markii weerar kale oo ka dhacay magaalada Mpeketoni oo ay ku dhinteen 48 ruux.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in kooxda weerarka qaadday ay gubeen dhismayaal ay ka mid yihiin dhowr hoteel.

Al-Shabaab waxay Kenya ku qaaday weeraro xiriir ah tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya seddax sano ka hor, si ay u caawiyaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com