Dhageyso:Madaxweynihi Hore Ee Puntland Jaamac Cali Jaamac “Inta AMISOM 24 Kun Oo Ciidan Ah Ka Joogaan Dalka Xor Ma Ihin”.

0

Muqdisho (AGGM):Madaxweynihii hore ee Maamul Gobolleedka Puntland Jaamac Cali Jaamac ayaa waxa uu ka hadlay Ciidanka AMISOM ee Jooga Soomaliya iyo waxay ka qabtaan dalka Soomaaliya.

Jaamac Cali Jaamac ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay dhaqaale badan ku helaan Joogitaanka AMISOM wax ay qabtaana aan loo jeedin iyadoo dagaalka mar walbo ay uga horeeyaan Askarta Dawlada Soomaaliya.

Madaxweynihii Hore ee Puntland Jaamac Cali Jaamac ayaa sheegay in AMISOM inta ay Somaliya kusugan yihiin aan wax Nabad Ah laga rajo qabin sida uu hadalka U dhigay.

Jaamac Cali Jaamac ayaa sheegaya in 24-ka Kun ee Askarta AMISOM ee Hadda Gumeysiga Qarsoon Soomaaliya ku heysta hadii ay baxaan ay Soomaaliya Xoroobeyso Nabadna ka dhalaneyso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com