Dhageyso: Faah Faahinta Labadii Weerar Ee Al Shabaab Ku Qaadeen Kenya.

0

Nairobi (AGGM):Sida warbaahinada dalka Kenya iyo kuwa caalamkuba ay qoreen Ugu yaraan 15 ruux ayaa kudhimatay weerar shabaabka Somalia ay kuqaadeen mar-labaad meel aan sidaa uga fogeyn Halkii weerarkii horre uu kadhacay oo ahayd Mpeketoni, oo katirsan JaziiradaLamu.

Xaafada Poromoko ayey warbaahinadu qorayaan iney tahay halka uu weerarku kadhacay islamarkaana guryo halkaasi shabaabku ay kugubeen.

Taliyaha ciidamda booliska Jaziirada lamu Stephen Ikua ayaa xaqiijiyay in tirada dadkii kudhintay labada weerar wadartoodu ay noqoneeso 60 ruux.

Mr Stephen ayaa warbaahinta Capital Fm oo kutaala ee dalka Kenya usheegay in ciidamo dheeraad ah loo daabulay magalada Mpeketoni iyo xafadaha udhow.

Afhayeenka dhanka howlgalada alshabab Sheikh Abdiasis Abu Musab, ayaa wakalada wararka ee Reuters usheegay waxaynu weerar kuqaadnay xaafado udhow Mpeketoni habeen labaad wuxuuna abu muscab sheegay iney halkaasi kudileen ilaa 20 ruux balse marka laga sootago hadalka afhayeenka shabab, warbaahinta caalamku waxay qorayaan dhimashada iney tahay 15-ruux .

Afhayeenka dhanka howlgalada alshabab ayaa wacad kumaray iney siiwadi doonaan dagaalka kenya sida reuters uu usheegay.

Raga alshabab katirsan ee weerarka sooqaaday ayaa gubay dhamaan guryihii Xaafada Poromoko iyagoona dadka mid mid utooganaye sida uu yiri duqa Jaziirada Lamu Issa Timamy.

Dhanka Kalle Warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiska xoghayaha guud ee qaramada midoowe mr bankimoon ayaa lagu cambaareeyay weerarada shababku ay kuqaadeen Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com