Daawo: Horjooge Cabdullaahi Gooni Oo Sheegay In Maleeshiyadi Harti Ee Shalay La Dagaalamay Maleeshiyada Absame Ay Al-Shabab Soo Abaabushay Lagana Sifeeyay Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM):Cabdilahi Gooni oo ka mid ah Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo u hadlay beesha uu ka soo jeedo ee Absame ayaa  waxa uu sheegay in dagaalkii shalay u dhex maray Maleeshiyada Raaskambooni ee uu hogaamiyay Axmed Madoobe iyo koox uu ku sheegay in ay soo abaabuleen kooxda Al Shabaab.

Gooni ayaa waxaa uu ku faanay in Maleeshiyaadka Raaskambooni ay si qurux badan u xasuuqeen maleeshiyaadkii ka soo horjeeday ee ka soo jeeday beesha Harti .

Inta la hubo dagaalkii shalay waxaa uu reebay qasaaro dhimaasho oo garaya 15 halka dhaawaca uu gaaryo 28 qof .

Horjooge Cabdirashiid Goonni ayaa warbaahinta u sheegay inay Al-Shabaab dhaqaale ku bixisay dagaalka si ay u carqaladeyso amniga magaalada, balse ay maleeshiyada beeshiisa ku guuleysteen inay ka hor tagaan oo ay magaalada ka saaraan kooxdii hubeysneyd.

Halkaan Hoose Ka Daawo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com