Muqdisho (AGGM):Uqaabilsanaha Xoghayaha Guud ee QM Arrimaha Soomaaliya Nikolse kay oo Waryesi siiyey Warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadalay Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud iyo Raisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh Axmed.
Nikolse Kay ayaa sheegay in uu Aaminsan yahay in uu Khilaafkaasi jiro,laakiin laga badbadiyey oo Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha ay Wada shaqeeyaan.
Uqaabilsanaha QM Arrimaha Soomaaliya Mr Nikolse Kay ayaa Madaxda Dalka ka Codsaday in ay xaliyaan Madmadoowga yar yar ee u dhaxeeya.
Sidoo kale Kay ayaa ka hadaalay Shaqala’aanta haysata Dhalinyarada Soomaaliya,asagoona sheegay in Shaka yarida ay keentay Dhaqaalaha dalka oo hooseeya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com