Dhageyso:Xildhibaan C/risaaq Jurile “Waxaa Jirta Baahi Weyn Oo Loo Qabo In Dalka Laga Hirgeliyo Nidaamka Xisbiyada”.

0

Muqdisho (AGGM):Guddiga Daraaseynta hirgelinta nidaamka Axsaabta Siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay inay jirto baahi aad u weyn oo ku aadan in dalka laga hirgeliyo nidaam ku dhisan axsaab siyaasadeed.

Pro. C/risaaq Cismaan Xasan Jurile oo ah gudoomiyaha guddiga daraaseynta hirgelinta nidaamka Axsaabta Siyaasadeed ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadku ay baahi daran u qabaan in dalka laga hirgeliyo nidaamka axsaabta si looga baxo habka awood qeybsiga qabiilka.

“Waxaa inoo soo baxay iney jirto baahi weyn oo ah intaanan qoraal iyo sida ay noola muuqato gelin ineynu marka hore xog ururino wax alla wixii ku saabsan shuruucda dalkan hore looga sameeyay ee la xiriirta axsaab siyaasadee” ayuu yiri C/risaaq Cismaan Xasan Jurille.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com