Dhageyso:C/llaahi Goodax “Xukuumadda Wey Ka Go’antahay Sidii Ay Muwaafaqo U Dhex Dhigi Laheyd Beelaha Dagaalamay”

0

Marka (AGGM):Wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaaray Magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose si xal looga gaaro dagaal beeleedyada ka dhacay deegaankaasi.

Wafdiga ayaa waxaa ka ma mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Gaashaandhigga iyo xubno ka le oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Sh/Hoose C/qaadir Siidii.

Xubnaha wafdiga ayaa durbadiiba billaabay wadahadallo gooni gooni ah oo ay la qaadanayaan waxgarad iyo odayaal ka tirsan beelihii dhawaan ku dagaalamay gobolkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane C/llaahi Goodax Barre ayaa Radio Muqdisho u sheegay in xukuumadda ay ka go’antahay sidii ay muwaafaqo u dhex dhigi laheyd beelaha walaala ah ee dhawaan ku dagaalamay deegaano ka mid ah gobolkaasi.

“anaga waxaan u nimid magaaladan qaddiimka ah ee taariikhda dheer leh in noloshii ay caadi ku soo noqoto, waxaan halkan u nimid inaan dhexdooda nabad dhigno beelihii isku qabtay, waxan garowsanahay in waxan wax laga qaban karo, waxan ku dadaaleynaa iney billaabato shaqadii nabadeynta ee beledkan” sidaasi waxaa yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/llaahi Goodax Barre.

Wafdigan wasiirrada ah ee gaaray magaalada Marko ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com