Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Magaalada Taleex Iyo Ciidamada Maamulka Khaatumo State Oo Dhaq Dhaqaaq Ciidan Ka Wada Duleedka Magaaladaas.

0

Taleex (AGGM):Wararkii ugu danbeeyey ee Warbaahinta ka soo gaaraya Magaalada Taleex ee xarunta Maamulka Khaatumo State,oo maanta ay la wareegeen Ciidamada Soomaaliland ayaa sheegaya in Xaalada ay dagan tahay oo Ciidamada Maamulka Soomaaliland ay Degmada isku Fidiyeen.

Goobjoogeyaal ku sugan Degmada Taleex ayaa Warbaahinta u sheegay in Maamulkii Degmada Khaatumo iyo Siyaasiin uu ku jiro Cali Khaliif Galeyr oo Maalmahaan ku shirsanaa Magaalada ay iskaga baxeen Magaalada si loo sugo amaankooda maadaama ciidamada Khaatumo State ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan lagana yaabo in magaalada uu ka dhaco dagaal.

Waxaa la sheegay in Magaalada Taleex ay hada si buuxda u Maamulayaan Ciidamada Soomaaliland ee maanta la wareegay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliland oo Degmada taleex ku sugan ayaa Warbaahinta u sheegay in Soomaaliland ay Degmada Taleex ay ka Fulisay Howlgallo islamarkaana lagu Guuleeystay.

Dhinaca kale ciidamada Maamulka Khaatumo ayaa waxa ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garoow dagaal waxayna ka wadaan duleedka magaalada Taleex ee gobolka Sool.

Isku soo wada duuboo Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ciidamada maamulka Khaatumo State Of Somalia ayaa waxa ay si aad ah uga taxadarayaan in waxyeelo soo gaarto dadka rayidka ah, waloow wararkana ay sheegayaan in ay wadaan dhaq dhaqaayo ciidan oo xoogan.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com