Dhageyso: Qarax Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (AGGM):Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in uu Qarax Goor dhaw ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Suuqa Daawada ee magaalada Muqdisho, . Qaraxan ayaa sida la sheegay ahaa Miinada dhulka lagu aaso,ayadoona aan ilaa hada la sheegin Cida loo dhigay Qarax iyo Khasaaraha uu reebay.

Goobjooge ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa Warbaahinta Muqdisho u sheegay in qaraxa uu geeystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Dad Shacab ah.

Waxaa sidoo kale Goobjoogahan uu sheegay in uu Arkay ilaa saddex Qof oo Dhaawaca islamarkaana Goobta laga Qaadayo. Ciidamada Amaanka Dowladda ayaa Goobta Gaaray,waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano,inkastoo aysan jirin Dad ay falkaasi u soo qabteen.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com