Dhageyso:Xuseen Cali Wehliye Cirfo “Waan Ku Guuleeysanay Joojinta Dagaalka Galguduud”.

0

Caabudwaaq (AGGM):Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa Sheegay in ay ku guuleysteen Xalinta Dagaaladii ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolkaasi waxa uuna sheegay in iyaga o kaashanaya Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ay ku dadaalen Xasilinta Joojinta Dagaalada iyo Xasilinta Deegaanada hoos yimaada Gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in la kala qaaday dhinacyadii ku dagaalamay Deegaanadaasi.

Xuseen Cali Wehliye Cirfo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa Sidoo kale xusay in ay Magacaabaya Gudi ka shaqeeya Xasilinta iyo ka hor taga dagaalo mar kale ka dhaca Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Waxa uuna Sidoo kale Shegay in Maamulka Gobolka uu ku dadaalayo sidii loo heshiisiin lahaa dhinacyadii ku dagaalamay Qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com