Dhageyso+Daawo: Xildhibaanada Dirta Waqooyi Oo Sii Hurinaya Dagaalada Shabeellaha Hoose.

0

Mudisho (AGGM):Iyadoo maalmihii la soo dhaafay Dagaalo iyo xiisado Colaadeed ay ka dhacayeen Gobolka sh hoose ayaa waxaa hada cirka isku shareeray Muranka ku saabsan lahaanshaha Gobolka sh Hoose ee lagu Dagaalamayo waxaana soo baxay Xildhibaano sheeganaya in ay Beeshoodu leedahay Dhulkaas .

Xildhibaano ka soo Jeeda Gobolada Waqooyiga Ee Dalka Somalia oo Shir ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in Iyagoo Matalaya Beelaha Direed ee Gobolka Shabelaha Hoose ka mid yihiin Gobolada Beeshaasi leedahay isla Markaana Aaney u Dul Qaada Doonin in Gobolkaas cid kale ka taliso ama maamusho.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadaas ayaa waxaa ay sheegeen in aysan Marnaba Diyaar u ahayn in Gobolka Sh Hoose lagu Gor Gortamo iyagoo carabka ku Adkeeyay in Gobolkaas uu ka mid yahay ilaa 10 Gobol oo Beesha Dir ay Degto waxaa ay xad Gudub ku tilmaameen Dagaalka Xildhibaanadaas mid ka mid ah Beelaha dagaalamaya ayay ku sheegeen in ay Gobolkaas ku duushay sida ay hadal u dhigeen .

Iyagoo sii hadlayay ayay waxay ugu Baaqeen Ciidamada AMISOM in ay la wareegaan Gobolkaas isla markaana laga soo saaro dhamaan Ciidamada Dowladda Somalia iyo Ciidamo ay sheegeenn in ay Gobolka ku Duuleen sida ay leeyihiin .

Halkaan Hoose Ka Daawo Kulankan Oo Dhameeystiran

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com