Dhageyso: Maxamuud Xuseen Gudbaaye “Waxaan Digniin U Dirayaa Xildhibaanada, Siyaasiyiinta Iyo R/wasaaraha Hurinaya Dagaalka Shabeellaha Hoose”.

0

Mudisho (AGGM):Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo hore u soo noqday Gudoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo Xalay Wareysi siiyey Warbaahinta Gudaha ayaa ka hadalay Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyihii hore ayaa sheegay in Dagaalka ay hurinayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale Xildhibaanadaas iyo Siyaasiin kale aan loo dul qaadan Karin in ay Dagaal ka Huriyaan Koofurta Soomaaliya Magaalada Hargeysana ay noqoto Meel Nabdoon.

Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa noqday midka Maalmahan ugu hadal hanta badan,ayadoona Dagaalkaasi inta badan eediisa loo soo jeediyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com