Dhageyso: Faysal Cali Waraabe ” Dagaalada Shabeelaha Hoose Madaxweyne Xasan Sheekh Ayay Ceeb Ku Tahay”.

0

Mudisho (AGGM):Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID oo Isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa Wareysi siinayay Warbaahinta gudaha ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalka ka socday Dhawaanahaanba Gobolka Sh Hoose waxaana uu dagaalkaas ku tilmaamay mid Nasiib Xumo u ah Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh.

Gudoomiyaha UCID ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmamay dagaalkaas oo bilihii la soo dhaafay ka socday Gobolkaas isagoo ku baaqay in dagaalka ahliga ah la joojiyo waxaase uu sii raaciyay in dagaalku yahay gar daro iyo kaa xog badni oo beesha Biyo Maal ay Gobolkaas iyadu leedahay waa sida uu hadalka u yiri.

“Runtii Gobolkaas anigu waan aqaan waana ka soo shaqeeyay waxaa aqlabiyadiisa dagan beesha Biya maal la yiraahdo waxaan u arkaa in lagu xadgudbayo oo xoog loo sheeganayo Dowladuna waa ku fashilantay in arinkaa ay ka hortagto waan ku baaqayaa in Cadaaladu shaqeyso “ayuu hadalkiisa raaciyay Faysal Cali Waraabe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com