Dhageyso: Dadka Ku Dhintay Dagaal Beeleedki Galguduud Oo Tiradooda Gaartay Ilaa 25 Ruux.

0

Mudisho (AGGM):Iyadoo Gobolka Galgaduud uu labadii maalin Ee la soo dhaafay ka socday Dagaal Beeleed Khasaare Badan Geestay oo u dhaxeeya Beelo walaalo ah oo wada daga Gobolkaas ayaa waxaa hada lagu soo waramayaa in Dagaalka Khasaaraha ka dhashay Ee soo kala gaaray Maleyshiyaadkii dagaalamay uu hadan sii kordhayo isla markaana wali xiisadiisu taagan tahay .

Dhulka Baadiayaha ah Ee ka Baxsan Degmada Balan bale Ee Gobolkaas galgaduud ayaa Galinkii hore Ee Saaka waxaa ka qarxay dagaal Baaxad leh oo u dhaxeeyay labo Maleyshiyo Beeleed iyadoo Halkaa lagu soo waramayo in wali xiisada dagaalku ay ka taagan tahay .

Mas.uuliyiin Ahlu sunna ka tirrsan ayaa galinkii dambe Ee shalay waxaa ay kala qaadeen Labada Ciidan Ee halkaa ku dagaalamayay waxaana uu lagu soo waramayaa in Dhimashada Dagaalkaas ay gaareyso ilaa 25 Ruux halka dhaawacuna uu intaas ka badan yahay kuwaa oo isugu jira labada maleyshiyo ee Dagaalantay .

Saaka waxaa lagu soo waramayaa in maamulka Gobolka Galgaduud oo gaerabsanaya Odayaasha dhaqanka Gobbolka uu wado dadaal lagu xalinayo Dagaalka khasaaraha badan geestay in uu sii socdana looga soo horjeedo waxaana Mas,uuliyiin Ahlu Sunna ka tirsan oo ka hadlay dagaalkaas ay sheegeen in ay ku rajo weenyihiin in xal laga gaaro dagaalkaas .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com