Dhageyso: Ugaas Faarax Cabdi Sheekh “Hubka Beesha Direed Lagu Leeynayo Waa Hubkii Dowladda Soomaaliya”.

0

Muqdisho (AGGM):Mid kamid ah beelaha Diriraya Gobalka Shabeelaha Hoose ay ku dhaxmareyso ayaa DFS ku eedeyey in ay Maasuul ka taahay Dagaaladda soo noqnoqdey ee Gobalkaasi ka jira.

Ugaas Faarax Cabdi Sheekh oo ah Ugaas beesha Direed ayaa warbahinta u sheegey in Dagaaladda halkaasi ka socda ay Dowladda Federalka ahi ay Masuul ka tahay .

Sidoo kale waxaa uu sheegey in hubka iyo ciidanka la dagaalamaya Beeshiisa ay yihiin kuwii Dowladda Federalka Soomaaliya, waa sida uu isagu hadalka u dhigayee.

Ugaas Faarax ayaa waxaa uu xildhibaanadda Beesha Direed uga jirta Baarlamanka Soomaaliya in ay xilalkooda iska casilaan.

Isku soo wada duuboo beelahan ku diriraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay eedeeyn dusha uga tureen dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab, dadka xog ogaalka u ah amaba u dhuun daloola arrimaha ka socda gobolka Shabeellaha Hoose waxay sheegayaan in dagaalku uu u dhexeeyo Dowladda iyo Al Shabaab oo lakala safan beelaha diriraya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com