Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh “Dadka Soomaalida Ah Kama Gadmeyso Soo Qaadashada Aayadaha Qur’aanka Iyo Axaadiista Rasuulka CSW.

0

Muqdisho (AGGM):Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar uu ka hadlayay falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab waxa uu sheegay in Al Shabaab ay dadkii ay gateen iyo in dadka Soomalaida ah aysan ka gadmeen soo qaadashada Aayadaha Qur’aanka iyo Axaadiista Rasuulkeeni Suubanaa CSW aysan ka gadmeeyn.

Warka ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lays oran karaa dagaalka lagula jiro falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab in uu miisaankiisa Mas’uulnimo wax u dhimay.

Waxaa waajib ah in qof walbaa oo Soomaali ah uu ka foojignaado falaagada aragagixisada ah ee Al Shabaab haddii uu awoodana uu ka qeeyb qaato dagaalka lagula jiro si looga sifeeyo dalka, balse in Madaxweyne Xasan Sheekh yiraahdo Aayadaha Qur’aanka Kariimka Iyo Axaadiista Rasuulkeeni Suubanaa CSW Shacabka kama gadmayaan waxa ay shacabka Soomaaliyeed badankiis ku abuurtay argagax.

Isku soo wada duuboo shacabka Soomaaliyeed badankiis ayaa waxa ay qabaan in  arrintan ay tahay mid u taala Culimaa’u diinka Soomaaliyeed waana in ay Madaxweynaha u Nasteexeeyaan oo aysan fududeysan warkan ka soo yeeray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com