Dhageyso:12 Ruux Oo Ku Dhimatay Dagaallo U Dhexeeya Maleeshiyo Beeleedyo Kasoo Kala Jeeda Balanballe Iyo Guriceel Ee Gobolka Galgaduud.

0

Caabudwaaq (AGGM):Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleedyo saakay ka bilowday deegaanno ku yaalla dhulka miyiga ah ee u dhexeeya degmooyinka Balanballe iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee maamulka dowladda Soomaaliya Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dagaalladaas ay salka ku hayaan aano qabiil iyo dil ay dadka reer miyiga ah horay isugu gaysteen.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dagaalladu ay yihiin kuwo ku soo noqnoqday deegaanka loona baahan yahay in laga hortago khasaare intaas ka badan oo ka dhasha dagaalka.

Cirfo ayaa ugu baaqay maamulka dowladda Soomaaliya ee degmooyinka Balanballe iyo Guriceel, odayaasha dhaqanka, ganacsatada maamulka Ahlu Sunna iyo qeybaha bulshada rayidka ah inay ka qayb qaataan joojinta dagaalladaas.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee isbitalka magaalada Guriceel Cali Cumar ayaa wuxuu sheegay in dhaawacyo badan la soo gaarsiyay isbtaalka magaaladaasi.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso agaasimaha guud ee isbitalka magaalada Guriceel Cali Cumar .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com