Dhageyso: Xisbiga Mucaaradka Somaliland UCID Oo Uga Digay Ganacsatada Reer Somaliland Inaysan Ka Qeyb Galin Shirka Beri Ka Dhacaya Stockholm Sweden.

0

Muqdisho (AGGM):Xisbiga mucaaradka UCID Ee Somaliland ayaa warsaxaafdeed ay soo saareen waxay kaga hadleen shir ku saabsan ganacsiga,kaasi oo Dowlada Sweden ay dooneyso inay u qabato Dowlada Soomaaliya Maamulka Somaliland,Jubba iyo Maamulka Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa Xisbiga wuxuu kaga digay Ganacsatada Somaliland inaysan ka qeyb galin Shirkaasi ka dhacaya dalka Sweden,wax yar ka dib markii Wasaarada Ganacsiga maamulka Somaliland Shirkaasi uu Ganacsayada kaga digay inay ka qeyb galaan.

Xisbiga Ucid ayaa arintaan u sababeeyay in Ganacsatada Somailand wax faa’ido ah ugu jirin ka qeyb galka shirkaasi,uguna baaqay in Ganacsatada shirkaasi ka joogaan.

Ugu danbeyntii Warsaxfadeedka ayaa lagu muujiyay in Ganacsatada Somaliland xilligan u diyaarsaneyn inay ka qeyb galaan Shirka arimaha ganacsiga looga hadlayo ee ka dhacaya dalka Sweden,kaasi oo Dowlada Sweden ay martigilineyso.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Warsaxaafadeedka Oo Laga Sii Daayay Idaacadaha Gudaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com