Dhageyso: Wararki Ugu Dambeeyay Iyo Xaalada Magaalada Marka.

0

Muqdisho (AGGM):Wararki ugu dambeeyay ee maanta laga helayo Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Xaalada magaalada ay yara kacsan  tahay welina la amqlayo rasaas teel teel ah.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Dhinacayadi dirirtu u dhexeeysay ay wali is hor fadhiyaan islamarkaana Xaalad daganaasho oo aan Cago ku taagneyn laga dareemayo.

Gudoomiyaha Degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Ciidamadiisa ay wali ku sugan yihiin Degmada,waxaana uu sheegay in dadkii Shacabka ahaa ay Magaalada ka barakaceen.

Sidoo kale Deegaanka NR.50 Ee Gobolka Shabellaha hoose ayaa la sheegayaa in uu dagaal ka dhacay,waxaana la sheegay in Dhinacii hore Magaalada u joogay laga saaray.

Dhinaca kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha Marka iyo maleeshiyada uu hogaaminayay lagala wareegay dhamaan gacan ku heeynta  goobihi ay uga sugnaayeen magaalada Marka iminkana uu ku sugan yahay dibedda magaaladaasi, waloow gudoomiyaha wareeysigiisa  uu ku adkeesanayo in uu weli ku sugan yahay xaafada Horseed ee maagaalada Marka.

Isku soo wada duuboo Dagaaladan ka soo cusboonaaday deegaanda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sida wararka aanu ku heleyno waxa ay reebeen Khasaaro, inkastoo aysan jirin cid shaacisay tirada dhabta ah ee Dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay-ba.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com