Dhageyso: Koox Diimeedka Al Islaax Oo Cambaareeyay Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Ee Dlka Masar.

0

Muqdisho (AGGM): Koox diimeedka Al-islaax ayaa si kulul waxay u weerartay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud ka dib safar uu ku aaday dalka Masar.

Waxay sheegeen Xarakada in marnaba aan loo dul qaadan Karin qaladka weyn oo ay sheegeen inuu ku kacay madaxweynaha, iyaga oo tilmaamay in taasi ay ka dhigantahay iyadoo shacabka Soomaaliyeed lagu hogaamiyay wax aysan raali ka ahayn.

Dr Cali Baashir oo ah gudoomiyaha Al-islaax ayaa ka dalbaday Baarlamaanka Soomaaliya in ay kala xistaabmaan madaxweynaha sababta keentay inuu dalka Masar aado.

Dowladda hadda ka jirta Masar ayuu ku sheegay inay tahay mid aan nabad ku imaan, balse halkaasi ku gaartay xasuuq uu sheegay in shacab badan loo geestay.

Isku soo wada duuboo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay caleema saarka Madaxweynaha dalka Masar, waxaana mid keentay in Al-islaax ay ka caroodaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com