Dhageyso: Gudiga Dib U Heshiisiinta Qaranka “Waan Kala Dhexgaleeynaa Dhinacyada Ku Dagaalamaya Gobolka Shabeellaha Hoose”.

0

Muqdisho (AGGM):Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda gobolka Shabelaha Hoose, waxaana ay sheegeen in ay gogol nabadeed u fidinayaan dadka ku dagaalamaya gobolkaasi.

Kulankan ay isugu yimaadeen gudiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa waxaa looga hadlayay sida looga hortagi karo colaadaha ka soo xusboonaaday gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana gabo gabadii kulanka ay ka soo sareen baaq nabadeed oo ay ku dalbanayaan in lagu joojiyo colaadaha .

Xoghayaha guud ee Gudiga Dib u heshiisiinta Qaranka Cabdicasiis Muqtaar Qariiddi ayaa sheegay in baaqooda uu ku saleysanyahay sidii lagu joojin lahaa colaadaha ka taagan deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose islamarkana ay googol nabadeed ufudinayaan dadka ku dagaalamaya gobolka.

“Waxaan ku baaqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaadaay gobolka Shabeelaha Hoose, dagaal wiil ayaa ku dhinta ee kuma dhasha, waxaan codsaneynaa in la qaato talooyinka iyo baaqyada Madaxda Dowladda, baaqyada odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka, marka waxaan leenahay hala joojiyo dagaalka” ayuu yiri xoghayaha guud ee Gudiga Dib u heshiisiinta Qaranka.

Guddoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta Qaranka Mudane Ismaaciil Macalin Muuse ayaa sheegay in ay ka xunyihiin colaadaha ka taagan gobolka Shabeelaha Hoose, ayna diyaar u yihin in ay gogol; nabadeed u dhigaan waxgaradka beelaha dagaalamay, taasi oo lagu qaban doono isla gobolka Shabeelaha hoose, waxaana uu tilmaamay in sababaha lagu joojin karo colaada ka jirta gobolka.

“Baaqeena waa sida aad ku aragteen war-saxaafadeedka, teeda kale waxaan soo jeedineynaa in lakala qaado maleeshiyaadka ku dagaalamay gobolkaasi, in la dhexdhigo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, si dadka ay u ogaadaan in ciidanka goobta la dhigay ay ka socdaan dowladda oo lagu kalsoonaado, waxaana balan qaadeynaa in aan diyaar u nahay sidii gogo nabadeed aan u kala dhex dhigi lahayn dhinacyada gobolka ku dagaalamaya” ayuu yiri Guddoomiyaha Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka.

Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa dadaal ugu jira sidii ay u xalin lahaayeen xiisadaha colaadeed ee ka taagan gobolka Shabeelaha hoose, halkaasi oo ay ku dhinteen tiro dad ah halka ay ku baraceen kuwa kale

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com