Dhageyso: Gabar Soomaaliyeed Loo Xushay Hoggaamiyeyaasha Da’da Yar Ee Afrika.

0

Nairobi (AGGM): In ka badan shan boqol oo da’yar ah oo ka soo jeeda qaarada Africa ayaa todobaadyadda soo socda ka bilaabi doono dalka maraykanka barnaamij lagu dhisayo tayadooda dhinaca hoggaanka.

Waxay ka qeyb qaadanayaan barnaamij loogu magac daray “hoggaamiyeyaasha da’da yar ee Afrika” oo uu aasaasay Madaxweyne Obama shan sanno ka hor.

Dadka loo xushay barnaamijkani ayaa waxa ay tagi doonaan dhowr jaamacadood oo ay aqoon ka kororsanayaan, kaddibna waxa ay la kulmayaan madaxweyne Obama oo wax ay weydiin doonaan wixii su’aalo ah ee ay jeclaan lahaayeen in ay madaxweynaha weydiiyaan.

Amina Zahra Mohammud Sigad, waa gabar Soomaaliyeed oo ka soo jeedda gobolka waqooyi bari Kenya, waxa ayna ka mid tahay da’yarta dalka Kenya laga xushay sannadkan.

Maxamuud Cali oo gabadhaasi wareystay ayaa ugu hooreyntii weydiiyay Jaamacadaha ay tagayaan muddo inteedhan ayay ku jirayaan jaamacadahaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com