Dhageyso C/xakiin Fiqi “Dagaaladi Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Lug Kuma Lahayn”.

0

Muqdisho (AGGM): Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Xukumadii R/wasaare Saacid, C/xakiin Maxamuud Fiqi oo ku sugan Dalka Dalka Mareykanka
ayaa iska Fogeeyey in uu ku luglahaa Dagaalkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Mudane Fiqi ayaa sheegay in Dagaalkii Dhexmaray Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe iyo Barre Aadan Shire Hiiraale uusan wax mas’uul ah ka aheyn Dagaalkaasi,xiligii uu ahaa Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga.

Dhinaca kale C/xakiin Xaaji Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in uu kasoo horjeeday marnabana uusan soo dhaweeyn Mooshinkii laga Keenay Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com