Dhageyso: C/llaahi Waafoow “Beertii Aabahey Xoog Ayaa Lagu Heystaa”.

0

Muqdisho (AGGM):Gudoomiyaha Deegaanka Lambar Konton C/llaahi Waafoow ayaa waxa uu sheegay in Beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ay Xoog kaga heysato Beer uu lahaa Aabihiis oo ku taalla deegaanka Ceel Wareegoow.

C/llaahi Waafoow oo la weeydiiyay in  Gobolka Shabellaha Hoose uu yahay  deggaan Soomaaliyeed islamarkaan ay wada degan yihiin dhamaan beelaha Soomaaliyeed ayuu waxuu sheegay in dhamaan beelaha ay wada dagaan hadana waxa uu sheegay in beel ka mid ah beelaha dagan Gobolka Shabellaha Hoose ay xaq ulaheyn inay degto oo Gobolka Galguduud ay ku magacaaban tahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com