Dhageyso: Xeer Hoosaadka Baarlamaanka Federaalka Oo Wax Laga Badalay..

0

Muqdisho (AGGM):Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku sigtay inuu Mar kale baaqdo ayaa Goor dambe ka Furmay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Mqudisho waxana Soo xaadiray Xildhibaano gaaraayo 139 Xildhibaan.

Kulanka ayaa waxa Warbixino loogu dhageystay Gudiga Xeer Hoosaadka Baarlamaanaka waxana Kulanka Shir Gudoominaayay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad C/dalla Cawad.

Ugu horeyn waxa Kulanka ka hadlay oo Warbixin looga dhageystay Gudoomiyaha Xeer Hoosaadka Baarlamaanaka Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim Baqdaadi waxa uuna Sharaxaad ka bixiyay Qodobada laga bedelay Xeer Hoosaadka.

Gabagabada kulanka waxa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad C/dalla Cawad waxa uuna Sheegay in dooda wax ka bedelka Xeer hoosaadka ay noqon doonto Maalin kale waxa uuna Sidoo kale Fariin digniin ah u diray Xildhibaanaada Qeybta ka ah Baarlamaanka ee aan soo xaadirin Kulamada Baarlamaanka.

Waa kulankii ugu horeeyay ay yeeshaan Baarlamaanka Soomaaliya tan iyo markii Weerar ay Masuuliyadiisa Sheegteen Al-Shabaab lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka iyadoona Kulankii Shalay ee Baarlamaanka uu u baaqday Kooram la’aan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com