Dhageyso: Madaxweynihi Hore Sheekh Shariif oo Baaq u diray Madaxda Dowladda Soomaaliya

0

Kampala (AGGM): Madaxweynihii Hore Ee Somalia Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Mudooyinkaanba ku Nool Dalka Uganda Magaalada Kampala oo Maalmo ka hor Gurigiisa Kampala ay ku Booqdeen Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheikh Cusmaan Jawarai ayaa waxaa uu Madaxweynuhu Bogaadiyay Hogaanka Dowladda Somalia.

Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ugu Horeyntii ka hadlay Weerarkii dhawaan Al Shabaab ku qaadeen Xarunta Golaha shacabka oo ahaa Weerar aan laga garin Hadafkii laga lahaa sida la Aaminsan yahay Waxana uu Madaxweynuhu amaan iyo Bogaadin u soo Jeediyay Ciidankii ka hortagay Weerarkaas Caafimaad ayuuna u Rajeeyay Dhamaan intii ku dhaawacantay .

Madaxda Dowladda ayuu ku amaanay Howsha adag Ee Hogaamineed Ee ay ku jiraan waxaana uu ugu Baaqay in ay Dadaalaan oo ay sii laba jibaaraan Howsha ay Bulshada u hayaan isagoo soo jeediyay in laga fogaado Wax kala Fogaansho keeni kara Khilaaf ayuu sidoo kale uga digay Hogaanka Dowladda.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii Hore Ee Somalia ayaa Markii labaad Warbaahinta la hadlay ilaa 17 Bishii September Ee sanadkii 2012 xiligaas oo uu Xilka Madaxweynaha Dalka ku Wareejiyay Madaxwaynaha talada haya Xasan Sheikh Maxamuud oo isagu doorasho Muqdisho ka dhacday uga Guuleestay Sheikh Shariif .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com