Dhageyso: Horjooge Max’ed Saciid Atam ” Dagaaladi Puntland Waa Leygu Qasbay”.

0

Muqdisho (AGGM):Horjoogihi Al-shabaab ee Buuraha Gal-gala Puntland Max’ed Saciid Atam oo shalay isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya,sheegayna in uu ka tanaasulay Fikirkii Al-shabaab ayaa sheegay in Dagaalka Puntland lagu Qasbay.

Max’ed Saciid Atam ayaa Xusay in Dagaalkaasi lagu qasbay islamarkaana Maamulkii C/rixmaan Sh Max’ed Faroole ay ku qasabtay.

Waxaa uu sheegay in Xukumadii Faroole ay Dadka si aan kala sooc lahayn u dili jirtay islamarkaana Shabaab markaas ay ugu soo biireen.

Horjooge Max’ed Saciid Atam ayaa shalay isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana uu ku dhawaaqay in uu ka Tanasulay Figradii Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com