Dhageyso: Falaagada Al Shabaab Oo Maanta Leeysay Maleeshiyaad Ka Tirsan Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

Kismaayo (AGGM):Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaal uu maanta Ka dhacay Deegaanada u dhaxeeya Jaziirada Ma dhawa iyo Deegaanka Buur Gaabo waxana uu dagaalka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Dagaalkan ayaa waxa la sheegayaa in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni lagu laayey Dagaalkaasi waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in weerarka ay soo qaadeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Maleeshiyo beeleedka Axmed Madoobe ayaa doon ay saarnaayeen waxa dagaal kala hortagay maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab, dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac waloow khasaaraha uu ubadan yahay dhinaca maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com