Dhageyso: AMISOM Iyo Ciidamada Dowladda Oo Al Shabaab Kula Dagaalamay Deegaano Hoos Taga Degmada Qoryooley.

0

Qoryooley (AGGM): Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose,gaar ahaan Deegaanada Cabdi Cali iyo Furuqleey oo hoostaga Degmada Qoryooleey.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose Cismaan Max’ed Buraale oo la hadlay Radiokulmiye ayaa sheegay in Khaaro loo geeystay Al-shabaab islamarkaana laga qabsaday Deegaano Dhowr ah.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacan siinayeen kuwa Midowga Afrika Ee AMISOM,kuwaas oo Dagaalka Qeyb ka ahaa.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ku sugan Degmada Qoryooleey ayaa Dhowr jeer waxaa ay Degmada iyo Tuulooyin hoostaga kula Dagaalameen Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com