Dhageyso: Culumada Soomaaliyeed Oo Baaq Ka Soo Saaray Dagaalada Shabellaha Hoose.

0

Muqdisho (AGGM): Gudoomiyaha Majmaca Culumadda Soomaaliyeed Sh Yuusuf Cali Caynte oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku baaqay in la joojiyo Colaadaha ka Aloosan Gobolka Shabellaha Hoose.

Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in Dadka Dagaalamaya ay yhiin Dad isku Diin ah,isku Ehel ah,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in ay Joojiyaan Dagaalka u dhaxeeya.

Sheekh baaqa uu diray ku ma eka Maleeshiyaadka dagaalamaya,waxaa sidii kale uu Baaq u diray Odayaasha Dhaqanka,Siyaasiinta iyo Bulshada Qeybaheeda kale,oo uu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Joojinta Colaada.

“Waa Wax laga Xumaado in Dad Muslimiin ah oo waliba Soomaali ah ay 23-sono maalin walba ay u dhintaan si Micno la’aan ah” ayuu yiri Sh Yuusuf Cali.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com