Dhageyso:C/xakiim Fiqi “Ciidamda Soomaalida Xataa Qado Maheystaan, AMISOM Qadada Loo Geeyo Ayay La Cunaan”.

0

Muqdisho (AGGM):Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashandhiga C/xakiim Fiqi ayaa bahdil xoogan u geeystay Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Fiqi oo Jaaliyadda Soomaalida Mareykanka lahadlayay ayaa ka sheekeeyay bahdilka ciidanka dowladda muqdisho ay kala kulmaan ciidamada afrikaanta AMISOM.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidanka Dowlada Muqdisho ay cunaan raashinka reereebka ah ee AMISOM isticmaasho.

“Saraakiisha ciidanka AMISOM waxay noo sheegeen in ciidanka dowladda ay siiyaan raashinka iyaga kasoo hara”ayuu yiri C/xakiin Fiqi oo ku guuldareystay inuu markale noqdo Wasiirka Gaashaandhiga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com