Madaxweyne Xasan sheekh oo Dam jadiid ka hormariyey qabiil iyo xulufeysi.W/Q.Rashid A Yusuf

0

Madaxaweyne xasan sheekh ayaa si fiican ugu mintiday oo geed dheer iyo midgaabanba u fuulay sidii uu golayaasha wasiirada iyo qeybaha kala gedisan ee xukuumada soomaaliya ay uga soo dhex muuqan lahayeen koox diimeedkiisa Damjadiid.

inkastoo madaxweyne xasan sheekh markii loo doonayey jagada madaxweyne ay doorteen xildhibaano soomaalyeed oo kasoo kala jeedo beelo badan ayaan hadana waxaan meesha ka maqneyn oo jiray isxulufeysi siyaasdeed iyo mid beeleedba. balse waxaas oo dhan marna kuma baarugsana madaxweyne xasan Sheekh.

Madaxweyne xasan Sheekh ayaa si fiican waxa uu isaga dhaadhiciyey in urur diimeedkiisa Dam jadiid ay u iibiyeen jagada madaxweynaha.isagoo si xun ugu takri falay beeshiisa Hawiye iyo beelo kale oo dhanka siyaasda ay isku xulufo ka ahayeen.

Waxaan ognahay in siyaasada dalka soomaaliya ay wali tiir dhaxaad u yihiin ku dhaqanka siyaasad beeleedka, laaluush la kala qaato, balanqaadyo jagooyin muhiim ah.waana dhaqanka foosha xun ee naga reebay bulshooyinka caalamka ee horey u maray.

Waxaa dhawaan xildhibaano gaaraya 130 xubnood ay madaxweyne xasan u soo jeediyeen in uu iscasilo iyagoo sabab uga dhigay 14 qodob uu ku fashilmay Madaxweynaha.Xildhibaanadaan ayaa waxaa hormuud ka ahaa xildhibaano ku abtirsada beesha Hawiye, xildhibaano mucaaradsanaa ilaa maalintii la doortay, qaar bari ay xulufo hoose ahayeen balse Madaxweynaha uu ka doorbiday Dam jadiid iyo waliba qaar kale oo Jago iyo dhaqaalo doon ah.

Dadka siyaasada wax ka gorfeeya ayaa hadda waxa ay rumeysan yihiin in madaxweyne Xasan Sheekh uu hada xaalku ku xunyahay.iyagoo sabab u dhigaaya in uu ku guuldareystay in uu fahmo in damjadiid lacagtoodii kaliya aysan socondoonin oo looga bahanyahay in uu dib eego cabashooyinka dhabta ah ee jira

Habdhaqanka Koox diimeedka damjadiid ayaa hada waxaa muuqata in laga nacay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,iyadoo ay hada ku soo biiren beesha caalamka.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa mar hore sheegay in aan waligiis koox gaar ah oo islaamiyiin ah ka mid noqon, isagoo meesha ka saaray wararka la isla dhex maro ee ah inuu ka mid yahay Urur diimeedka Dam Jadiid oo lagu xanto in siyaasada dowladiisa ay ku xoogan yihiinn

Rashid A Yusuf
rashidcade101@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com