Dhageyso:Xildhibaano Mooshin ka keenay Faaliyaha Qaranka ee TV’g Universal.

0

Muqdisho(AGGM):Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin ka Keenay Baraamij ka Baxa Tv-ga Universal oo lagu Magacaabo Faaliyaha Qaranka islamarkaana Habeenwalba oo Sabti ah oo Axad ay soo galeyso ka Baxa TV’Universal.

Mooshinka ayaa waxaa soo gudbiyey ilaa 122 Xildhibaan oo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka mida.

Xildhibaan C/ladiif Muuse Sanyare ayaa sheegay in Baraamijaasi Gaf loogu geeystay  Baarlamaanka Soomaaliya,asagoona Codsadey in Mooshinka si deg deg ah Baarlamaanka loo keeno.

Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Baarlamanka Mahad Cabdala Cawad ayaa sheegay in Ajandeyaasha Baarlamaanka lagu darayo islamarkaana laga Doodi doono.

Bari ayaa laga yaaba in Mooshinkaan Xildhibanada Qaar ay soo gudbiyeen laga Doodo oo Ajandaha Bari lagu daro.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com