Xildhaannow: Xasan ha tagee, maxaa xiga?

0

Mudane Xasan, horjooge ka liita ama ka daciifsan nama soo marin abid, wax ka DHIIGYACABSAN haa, oo waliba carrada iyo ciidda ka badan. Waaba iga weydiine, horta DOQONNIMADA ma u dhashay mise waa iska yeelyeel, oo wax waa ogyehee, inta (DANAHA KALE) uu ilaalinayo ayaa ka badan? Aniga wali iima kala cadda, ee qofkii ay u kala saaran tahay, fadlan ha noo faahfaahsho.

Haddana, ceeb walba iyo iin kasta oo mudane Xasan leeyahay ama yeelan karo, idinka (Xildhibaanno) ah ayaa u daboolay, u qarshay una asturay. Sabab? Aan idiin caddeeyee, idinkoon xildhibaann iska dhigine, see ma tihidiine, qoraalka sii raaca fadlan.

Xildhaannow Mudane Xasan idinka ayaa iska dhex xulay, cod iyo warqadna kaga soo saaray labaatameeyadii u wada taagnaa HEERYADA GUMAYNTA SOOMAALI, iyadoon cidna aqoon, isna ogayn inuu ku soo baxayo. Xildhaannow Mudane Xasan idinka ayaa cod kale ugu ansixiyey xukuumad ku sheeggii bukhliga iyo gacan adaygga (tobanka wasiir) oo kala bar ay wada ahaayeen garabka midig ee dayac jadiid, idinkoon eegin tirayada yar, tayada maqan iyo talada tolka. Xildhaannow Mudane Xasan idinka ayaa la riday xukuumaddii mudane Saacid, ee aan sanadka dhaafin, oo loo hanweynaa inay saaska Soomaali saldhig iyo u yeesho sabo adag, idinkood tixgalin dareen bulsho iyo rabitaan ummad. Xildhaannow Mudane Xasan idinka ayaa ku gacan siiyey inuu mar kale soo dhiso wasiirro xad-dhaaf ah (55 wasiir) dawladaha adduunka ugu dadka badan xitaa wasiirro sidaa u tira badan ma lahan. Idinkoo eegay kaliya damaca bahallada iyo buuqa siyaasaga.

Intaa iyo intoo kale ayaad mudane Xasan ugu hiilliseen, oo dhammaan wada ah tallaabooyin iyo go’aanno wada qaldan, haddii aysan wada ay ahayn kuwo ka hor imaanaya DALTUURKA aad ku dhaarateen! Aad ku dhaarateen? Horta maba dhaartaan? Hadday dhaartaan maxay ku dhaartaan? Mabda’ iyo diin aan Dollar ahayn ma lahan, iimaan iyo caqiido aan Diinaar ahayn ma qabaane. Waxaa taa ka sii daran, waa in go’aannada qaarkood ay ka turjumayeen dano shisheeye iyo damaca ay ku doonayaan inay dalkan ku kala qaybshaan ama ku sii cuuryaashaan, oo ay kow ka yihiin labada dal ee Kenya iyo Itoobiya.

Xasan-2

Kaba dhig, inaad run sheegaysaan, waa midaan dhicine, waligeedna aan dhacayne, Mudane Xasan waa FAASHIL weyn, oo aan caad saarnayn, isagu xitaa qudhiisu waa ogyahay, haddaba, waxaa isweydiin mudan; idinka yaa idin soo dirsaday? Yaad ka socotaan? Yaad codkooda ku hadlaysaan? Yaad ku daaban tihiin, oo dabada idin ka riixaya? Yaa idin soo abuubulay? Talada ah in Mudane Xasan uu iscasilo, ma go’aan kiinnaa baa, mise, waa mid la idiin soo dhiibay? Micnaha, ma idinka ayey idin ka soo go’day, mise, waa la idiin soo gaarsiiyey? Yaase idin soo gaarsiiyey?.

Weydiimahan waxaan u dhigayaa, ha malayn inay tahay inaan mudane Xasan u qiilinayo, ee waa in ragga meesha ka muuqda, ee ka dhexquuqle qaar badan oo ka mid ah, ay yihiin kuwii Soomaali iyo Soomaaliya u diiyey xasillooni iyo degaanasho, taa oo keenaysa in weydiimo kuwan ka badan la isa sii weydiiyo, maxaa yeelay, ninkii aadan wanaag uga baran, waxaa hubaala inay waajib tahay inaad si adag uga digtoonaato.

Qaylada maanta baxaysa ee ku aaddan FASHALKA mudane Xasan, waxay badeshay eragii ahaa: “LOOMA DHAMMA!” oo mar walba ay ku hoos jiraan arrimaha kala ah:

– DANO SHISHEEYE

– DANO QOFEED

– DANO BEELEED

Isu gayn waxay isugu imaanayaan FASHILIN ka dhalatay FASHAL ama FADHIIDNIMO jirta! Teeda kale, nimanka waxaa isaga qaldan, DHALIIL iyo DAMBI xil lagu weyn karo. Sida DALTUURKOODU dhigayo, madaxweynaha waxaa xilka looga qaadi karaa laba arrin oo kali ah:

– KHIYAANO QARAN!

– KU XADGUDUB DASTUUR!

Ta FASHALKA ama DHALIISHA, oo ma mudane Xasan ayaa ku eed leh, haddii dawladdu ay fulin wayso ballamadeedii, mise, waxaa ku shuqul leh oo ay tahay in wax laga weydiiyo golaha xukuumadda iyo Wasiirka koowaad? Madaxweynuhu saw uma taagna astaan qaran iyo ilaalinta xeerarka dalka? Tan ka sii muhimsan, waa sida DALTUURKOODU qabee, si madaxweynaha xilka looga qaado, waa in ay soo eedeeyeen saddax meelood hal hal meel (1/3) baarmentaari, ayna tahay in loo gudbiyo Maxkamadda Dastuuriga, ee aan jirin illaa haddana la dhisin, si ay u baarto eedeynta, haddii lagu waayo, waa shimbara yahow heesa, haddiise lagu helo, markaa ayaa codka kalsoonida loo qaadayaa.

Mar kale kaba dhig, in mudane Xasan eed la’aan iscasilo ama cod loo qaado lagu ceyriyo, weyduuntu waxay tahay, maxaa xiga mudane Xasan ka dib? Yaa la soo wadaa? Muxuu mudane Xasan dhaami doonaa ka iman doona? Yaa wata? Muxuu soo kordhin doonaa? Inta mudane Xasan ku FASHILMAY muxuu ka badalai karaa? Ka muhimsane, mudane Xasan haddii uu ku baxay xilkana uga dego eed uusan lahayn, saw berri sugi mee, ka ka daba mari doona, oo gadaashii iman doonaa? Saw mar walba ma ahan jugjug meeshaada joog iyo tallaabo hore ha u qaadin?.

Baaq ku sheegga kuwa tebiyey waa gayru masuuliine, waxaa MUQADDAS ah in lurkooda umadda laga qabto. Waxaa la yiri: “Doqoni xin mooyee xisaab ma taqaan!”. Xildhibaannadanna waa qaabkaas.Haddaad hunguriyooto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo. Inta hungurigu wado waxay kala yihiin:

– XIL SUGAYAAL; Damaaci ah inay xilal ka helaan haddii booskaasi bannaanaado.

– XASARADLEEY; U taagan dharaar iyo habeen in colaaddu aysan damin, dhiiggooda ayaa ku shaqeeya, haddii kale WADNAHA ayaa istaagaya!

– LAALUUSHLEEY; Doonayo inay soo nooleeyaan hannaankii MOOSHINKA MAALKA!

– MURANLEEY; iska jecel in is qabqabsi iyo is afgarad la’aani jirto mar walba.

Si aad u garato waxa aan kaala hadlayo, aan kuu fero magacyada qaar ka mid ah, kuwa maanta horboodaya baaqa belada iyo baaska; Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Xasan Abshir Faarax, waa dhakawyada dagaalkii sokeeye iyo silicii umadda ku habsaday, walina waxay u taagan yihiin shar iyo fadqallayn, kala gayn ma ahane, waligood kama shaqayn isu gayn. C/risaaq Jurille iyo Cali Khaliif Galayr, kan hore inta uu hanti dawlo ku tagri falay ama uu lunsaday ayaa eed iyo dhib ugu filan, walina malaha Tarriiqadka ayaa ka maran. Cali Galayr, talo xumo waxaa ugu filan inuu illaa iminka af u bixin la’yahay reerka uu ka dhashay, oo uu dhan walba dab uga shiday, dariskiina ku wada dabeeyey, labada Laan (Somaliland iyo Puntland) ee ay u dhexeeyanna labada dhinac ka cunayaan, korkoodana lagu dagaalayo.

Kuwa kale, ee ay ugu horreeyaan Cabdulqaadir Cosoble waa maalqabeen, hanti tacbad iyo ku jira xoolo ururin, oo haddaa ma maalqabeen ayaa bulsho u naxaya? Cabdullahi Jaamac “Kabaweyne” wali waxaa qalbigiisa ku daabacan Beysteen gabmo ku dar iyo sunuud aruuri. Cumar Finish, ma kii aan ogaa? Haa, waa isagii oon biya ismarin. Waxaa ayaandarro ah, in wali ay naga dhexmuuqdaan qabqablayaashii dagaalka iyo hoggaamiye kooxeedyadii. War Finishoow, Muuse Suudi ood majaxaabisayba waa ka haree, armay adna kuu habboon tahay inaad ka harto halaag wadayaasha iyo halaajinta dadka?.

Waxaa la yaab leh, kuwan hadda quuqle, ma maqasheen iyaga oo ka haldlaya, ciidanka Xabashi ee dalka jooga, ee kor u sii dhaafaya afartan kun? Ma maqasheen iyaga oo ka hadlaya ciidanka Kenya, ee gobollo dhan iska maamusha? Ma ka maqasheen iyaga oo ka hadlaya Soomaalida sida daran loogu bahdilay Kenya? Ma maqasheen iyaga oo ka hadlaya biyo la’aanta iyo abaaraha ka jira dalka guud ahaan? Marka waxa ay u damqanayaan waa maxay, haddii aysan dalka xaalkiisa marnaba ka hadal?.

Mashruuca “Fadlan ku shubo” ee ay caanka ku yihiin Xildhaannadu, ayaa sida muuqata maalmahan cagaarkii ay daaqi jireen, marfashyadii iyo sandaqadihii ay la fadhi xumaayeen daymo looga yeeshay ama cariiri ka galay, intii ay ka aruursheen rididdii xukuumaddii mudane Saacid ayaa iyana ka le’atay, oo waxay doonayaan xoogaa kale, oo ay uga gudbaan jilaalka ay ku jireen.

Midda aan wali caddayn waa kaalinta uu ku leeyahayNicklos Key, Madaxa Xafiiska QM, ee la Bunaysanayey Mungaab. Soomaaliya wax walba oo ka dhaca, marka laga reebo waxyaabaha dabeecaddu keento, inta kale waxaa hubaal ah inuu ugu lug leeyahay si toos ah ama dadban, marka way fiicnaa lahayd in taa la ogaado. Isagu wuxuu dhihi doonaa xildhibaannada Soomaali go’aankooda kuma faragalinayno, balse, horta go’aan ma leeyihiin waaye? Ma la isku ciyaarayaa, wax aadan Soomaaliya u go’aamin ama ka go’aamin kama hirgalaane, inta dheesha naga dhaaftid, kaalintaadu waa tee?.

Sidaa waxaan u leeyahay waxay tahay, in mudane Xasan uu FAASHIL yahay inta aan dhalan, inta dhimatay iyo inta dhoohan ayaa og, balse, Xildhaannada buuqa dhaliyey ayaa markii ay warqadda qorayeen ku dhigay sidan; OGG; Nicklos Key, kuna halqabsaday, oo ka dhigan KHIYAANO QARAN, maxaa yeelay, tallaabo ay xildhibaanno dawlo qaadayaan, maxaa ka galay nin (CAD) oo Xalane deggan, waliba waxa uu u deggan yahay aan la aqoon iyo waxa uu ka/ku qabto? Taa waxay kuu caddaynee, in isla iyagu ay ku dheceen KHIYAANO QARAN, ayna mudan yihiin in lagu maxkamadeeyo lagulana xisaabtamo. Midda la yaabka ah, waa iyada oo dalka dhan ay abaaro ka jiraan inay cunto dusheeda qosol iyo dhoollacaddayn ku soo muuqdeen. hubaal inaysan lahayn dadnimo iyo dareen, aan ka ahayn sidii ay wax u laaqi lahaayeen. Karaamo darrada waxaa kaaga daran buuqa iyo qaaqda ka yeeraysa, suuq ma ahane, Wallee inaadan isla lahayn waa goob ay isugu yimaadeen xildhibaanno.

Ta kale, inay isku xigsadaan laba mudane oo ku wada FASHILMAY Wasaaradda arrimaha gudaha, oo kala ah: Shiikh C/qaadir Cali Cumar, ma taqaanniin horta? Wuxuu qayb ka ahaa Wadaaddadii wallidu wadday (Maxkamidihii) diin dacareedkii ay dadka iyo dadka ku halaageen. Cabdisamad Macallin Maxamuud kursiga wuxuu ku helay dhaxal siyaasadeed, ka dib markii adeerkii la dilay iyo qaybta Ahlusunno. Wuxuu ahaa mudanihii Holland la soo saxiiday in Soomaalida dib loo soo celshay.

Ta ay iska indha saabeen ee meesha taali waa, sida ay mudane Xasan ugula xisaabtamayaan fashil iyo gaabis, habacsanaan iyo kala daadsanaan, ayey ahayd inay ugula xisaabtaan kuwa magaca xildhibaan wata, ee aan lug iyo foodna midga galin golaha shacabka, oo ay ugu dambaysay maalintii la dhaarshay, ama tagay maalmo koobaan, ma shaqaystayaasha mushaarka meel cidlo ah ka qaata.

Horta Xildhaannow ma ogtihiin inaan cidna idin dooraan, oo aadnaan qofna matalin, aadnaanna ku imaan rabitaan bulsho iyo dookh dadweyne, aan ka ahayn dhuuntiinna iyo dhuunigiinna, gunnadiina iyo gaaweetadiinna, hungurigiinna iyo halacsigiinna? Mise, wali –waa ayaadarre- waxaad isu haystaan Xildhibaanno shacab iyo umad? Ani (ka Bashiir ahaan) ima meteshaan, waxaan hubaa in aqristahana aadnaan metelin iyo muwaadin walba oo Soomaalinnimo ay ku dambayso, xitaa wax kale iska daaye, waxaadnaan matelin magac beeleedka aad ku joogtaan iyo jifooyinka aad dhalasho ahaan ku gabbataan. Kaliya waxaad meteshaan Shilimaadkii idin kaga baxay gadashada jagada baas (Xildhaannimo), taana waxaa idiin sahlay xaaraan cunkii iyo oday colaadkii idin soo qoray, ee beesada idin kaga gurtay, nacaladi ha ku dhacdee.

Aqriste, midse ogoow, inta NGO iyo qandaraasleey ay madax kuu yihiin, ha ka yaabin inaad hesho cod ku metela iyo cid kuu maqan. Madaxda u sarraysa ee saddax xagalka Xamar ku laalaabta ma waxay kula tahay inay ina metelaan? Ha ka yaabin, oo rag baa keensaday, kuwaa ayeyna danahooda ka shaqaynayaan, ee maxaa ka galay dal iyo dad?.

Ugu dambayn, waxaan halkan codsi iyo farriin uga dirayaa Kooxda Qaylodhaan, gaar ahaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) in dib loo soo qaado heestii: “XILDHIBAANNIMOOY XAAL QAADO!” iyada oo lagu dabbaqayo duruufta jirta iyo xaalka dalku marayo. Haddana, aan ku soo afmeero faallada tixdan gaaban:

 

Ha na dhaafee

Dhamoow kee baa

Dhiisha noo furi

Dhaami doonoo

Dhabarkii iman?.

 

Dhidirrada tuban

Isma dhaamaan

Hadba dhababaco

Haw dhaqaaqine

Dadow dhawrsada

Yeysan idin dhumin!
05/05/2014
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com