Dhageyso: Xildhibaan Dalxa “Odayaal Aan Ahayn Odaayshi Dhaqanka Ee Gobolka Sh/Hoose In Lala Tashto Waxay Abureysaa Jahwareer Siyaasadeed iyo Mid Dhaqan”.

0

Muqdisho (AGGM):Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa dhaliilay safarka Horjooge Cabdiweli Sheekh uu ku joogo magaalada Marko.

Proff. Dalxa ayaa waxaa sidoo kale waxa uu sheegay in la tashiga odaayasha dhaqanka ee aan ahayn kuwooda rasmiga ah ay abuureeyso Jahwareer Siyaasadeed iyo Mid Dhaqan.

Ma ay aha markii ugu horeeysay ee Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed lagu eedeeyo inuu baalmaro odayaasha dhaqanka ee saxda ah islamarkaana abuuro kuwo faalso ah si uu u abuuro Jahwareer siyaasadeed iyo mid dhaqan oo ku baaha dhamaan deegaanada dalka Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo xuukuumada hadda dalka ka jirta ayaa waxaa lagu tilaami karaa xukuumadi abid ugu xumeed ee taariikhda soo marta dalka Soomaaliya iyadoo isku darsatay wax qabad la’aan iyo hurinta colaado sokeeye oo dib uga qarxa dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com