Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Maanta Meel Marinaya Misaaniyada Dowladda Ee Sanadka 2014.

0

Muqdisho (AGGM): Xildhibaanada golaha baarlammaanka Soomaaliya ayaa maanta markale isugu imaanaya kulan si ay uga doodaan ansixinta miisaaniyada sanadka 2014 ee ay soo gudbisay xukuumada raysal wasaare C/weli Sheekh Axmed taasoo hortaalla golaha.

Xildhibaanada ayaa shalay oo ahayd Talaado waxay isugu yimaadeen kulan la doonayey in miisaaniyada cod loogu qaado hase yeeshee kulanka shalay ayaa furmi waayey kadib markii la waayey tirada uu ku furayo kulanka golaha [quorum] taasoo keentay in shir guddoonka uu ku dhawaaqo in kulanka shalay uu baaqday.

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in markale mudanayaasha isugu yimaadaan xarunta golaha shacabka si miisaaniyad sanadeedka 2014 cod loogu qaado.

Miisaaniyadan aan weli la ansixin ayaa caqabad ku ah hay’adaha iyo wasaaradaha dawlada waxaana tan iyo horaantii bihii Abriil hakad ku jira adeegyadii wasaaradaha heli jireen oo la joojiyey sababo la xiiira miisaaniyadii saddexda bilood oo ka dhamaatay xukuumadda iyo miisaaniyada cusub oo aan helin ansixinta baarlamaanka.

Waxay u badan tahay in haddii kulanka baarlamaanka uu maanta furmo in miisaaniyada la meelmariyo, sida Raxanreeb ay ka soo xigatay qaar ka mid ah xildhibaanada saaka shirka tagaya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com